Friday, December 31, 2010

TACSI: GEERIDA MARXUUMAD SAFIYA IBRAHIM XAYD

TACSI: GEERIDA MARXUUMAD SAFIYA IBRAHIM XAYD

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay marxuumaddu ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba, si gaar ah ubadkeeda Ilma NAASIR NAXAR iyo Walaalaheed  Ilma Ibraahim Xayd iyo tafiirtooda.
  
Alle ha u naxariistee Marxuumad Safiya Ibraahim Xayd, waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, Jimce taar. 31/12/2010, iyadoo salaadii casar lagu tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa.

Marxuumad Safiya oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, reer Xayd iyo reer Naxar, iyo dhammaan ehel iyo asxaaba, waxa inagu waajib ah samir, saamaxaad iyo duco.


Ahmed Arwo
Cardiff UK
samotalis@gmail.com

No comments:

Post a Comment