Thursday, January 19, 2012

Xaglo-Toosiye oo qaadacay go'aankii shirkii Taleex soo dhaweeyay gogoshii nabadeed ee Madaxwaynaha

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha kooxda Nabad Diidka Ah ee SSC Saleebaan Xaglo Toosiye ayaa si weyn u qaadacay Shirkii dhawaan ka dhacay Degmada Taleex iyo maamulkii lagaga dhawaaqayba, sheegayna inuusan Ogoleyn Magaca loobixiyay ee Khaatuma oo ay dad badan oo deegaankaa u dhashay ku qanacsanayn.

Xaglo toosiye waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid baalmarsan shuruucda isla markaana ay wateen kooxo mabaadii fogfog wata.

Ilo xog ogaal ah oo ka ag dhaw Saleebaan Xagla toosiye ayaa Shabakaddan Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u sheegaya in uu soo dhaweeyay gogogashii nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidiyay kooxaha nabad diidka, waxaanu sheegay in uu soo dhaweynayo gogashaas.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Saleebaan Xagla Toosiye, ayaa dhabar jab weyn ku noqonaysa shirkii dhawaan ka dhacay Degmadda Taleex.

Dhinaca kale ogolaanshaha gogosha nabadda ee uu hore ugu baaqay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa ay tahay mid ay si aad ah ugu soo dhaweynayaan shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

Hadhwanaagnews Ayaa isku dayay inay la xidhiidhaan Saleebaan Xagla Toosiye hase ahaatee khadka telefonka oo aad u xumaa daraadeed ayay isku maqli waayeen.

Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Shabakad wararka ee Hadhwanaagnews.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Contact@hadhwanaagnews/Office


No comments:

Post a Comment