Saturday, February 25, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

TACSI: GEERIDA MARXUUMAD Habaryaro Sahra Gaaxnuug Cabdilaahi

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay 
Habaryartay Sahra Gaaxnuug Cabdilaahi ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba, si gaar ah ubadkeeda iyo tafiirtooda oo uu hormoodka u yahay Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Reer Gaaxnuug Cabdilaahi.
  
Alle ha u naxariistee Marxuumad Habaryaro Sahri, waxay ku geeriyootay magaalada Hargeysa, Jimce  24/02/2012 iyadoo muddo xanuunsanayd.
Habaryaro Sahra oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, reer Maxamed Askar iyo Reer Gaaxnuug Cabdilaahi, iyo dhammaan ehel iyo asxaaba,inuu waafajiyo samir iyo duco.Amiin

Ahmed Hassan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhaqaalaha
samotalis@gmail.com

No comments:

Post a Comment