Sunday, April 22, 2012

Wasiir ku hanjabay in cuqaasha qaar aqoonsiga laga qaadi doono mushaharkana laga jari doono haday...


Wasiir ku hanjabay in cuqaasha qaar aqoonsiga laga qaadi doono mushaharkana laga jari doono haday...
  


Wasiir ku hanjabay in cuqaasha qaar aqoonsiga laga qaadi doono mushaharkana laga jari doono haday xukumada dhaliilaan

Hargysa,-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Caraale DUUR ayaa maanta sidii uu caadada u lahayn jiray hanjabaado aan loo miidaan deyin u diray madax dhaqameedka Somaliland sheegayna inuu mushaharka ka jari doono kana xayuubin doono xisaanada ama xurmada madax dhaqameedkii si buuxda u taageeri waaya siyaasada xukumada Siilaanyo sax iyo khaladba. Taas caksigeedana wasiir DUUR wuxuu sheegay inuu aqoonsiga madax dhaqameednimo ka qaadi doono caaqilkii ama suldaankii dhaliila ama dura amaba eedayn u soo jeediya xukumada Siilaanyo.

Wasiir DUUR oo maanta hortegay gudiga joogtada ee golaha guurtida ayaa shaaca ka qaadey inay jiraan madax dhaqameedyo ka cabaareeya,kana dhaliilaha siyaasada xukumada Siilaanyo warbaahinta,wuxuuna wasiir DUUR ku hanjabay inaanu maanta laga bilaabo u dulqaadan doonin madax dhaqameedyada iyagoo ku hadlaaya afka beelahooda ama afka reerahooda dhaliila xukumada Siilaanyo iyagoo isticmaalaya ama u sii dhexmaraaya warbaahinta .

Wuxuu wasiir DUUR maanta ku dhaartey, nidarna ku galay in madax dhaqameedyada u diiwaangashan wasaaradiisa ee mushaharka ka qaata ee soo qufa dhaliilaha xukumada Siilaanyo inuu mushaharka ka jari doono,islamarkaana ka qaadi doono xilka caaqilnimo,aakhirkana cadaalada hor geyn doono.

Dhinaca kale wuxuu Wasiir DUUR sheegay in beryahan danbe madax dhaqameedyada cusubi ku soo badnayaan dalka iyagoo caadaystey inay naqdiyaan siyaasada xukumada Siilaanyo soona faqaan ceebaha maamul ee wasaaradiisa taas darteed uu hindisaayo inuu yareeyo oo badhkood kala noqdo aaqoonsiga.

Isku soo wada duubo xogo aanu ka helay ilo ku dhaw dhaw Wasiir DUUR ayaa xaqiijiyey inay ka go'an tahay xukumada Siilaanyo inay aqoonsiga caaqilnimo iyo suldaanimoba kala noqoto madax dhaqameedyada dhaliila xukumada Siilaanyo islamarkaana warbaahinta ka hadal.wasiir ayaa dhaar ku maray in caaqilka ama suldaanka caadeysta wax ka sheega xukumada Siilaanyo uu aqoonsiga iyo xurmadaba ka qaadi doono isagoo u s ii dhexmaraaya xubno ganacsato ah oo ka soo jeeda reerahooda oo xukumada Siilaanyo siiso ama ku naasnuujiso mashaariic laga helo macaash buuran amaba ganacsi kooto loogu xidhay!.


--
Ahmed Hassan Arwo


No comments:

Post a Comment