Thursday, April 26, 2012

Xukumaddan Faanka Badan ee Masuu’lkeedi Hadlaba u leyahey wax badan baanu qabaney, wax qabadkeedu ma u dhigma Faankeeda?


Xukumaddan Faanka Badan ee Masuu'lkeedi Hadlaba u leyahey wax badan baanu qabaney, wax qabadkeedu ma u dhigma Faankeeda?

togaherer



Guddomiyiihii ololaha Doorashooyinka Gobolada Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye Md Baashe Cabdi Gaboobe ayaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si ba`an u Dhaliilay Md Baashe ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray kaga Hadlay Balanqaadyadii Kulmiye iyo in ay Wax ka Fuleen.

Warsaxaafadeedka Md Gaboobe ayaa u dhignaa Sidan:-

Waxaan ahaa guddoomiyihi ololaha doorashada Madaxtooyadda ee Seddexda obGol ee Galbeed ,waxaanan aha ninki ugu shaqa badnaa ee codka ugu badan u keeney Guushi madaxweyne Silaanyon uu kursigan maanta ku fadhiyo .'Somaalidu waxey ku maah maahda ''Haddi lagu sheelo waa la isa sheega ,haddi lagu sheegana wa la isa sheela ''.

Waxanan guushaa u soo marney waddooyin adag oo Jalfaafooyin badan ka buxaan .

· Muddo dheer kamaan hadal arrimaha siyaasadda oo waxa igu dambeysey marki aan u doodaayey in la furo ururadda siyaasadda oo ballan qaadki Xisbiga kulmiye ee oloolaha doorashada madaxtooyaada ka mid aha [annaga qolayadi ururka qaran, wa qodabadi annu kulmiye kula heeshiney in la fuliyo ragna jeelka u galey .in kasto seddexdi xisbi qaran ucid,udub iyo kulmiye ka horyimaadeen in la furo ururadda ,hadana Illahey wa nagu guuleyey oloolaha aniga iyo dad faro ku tiris ah. .Madaxweynuhna wu ku mahadsanna inu fuliyo rabitaanka dadweynaha .Waxaan la yaabanahey halkay joogeen dadkan ururadda wada furtey imika markay seddexda xisbi nala dagaalamaaye en .

· Furista ururada Waxaa markiba ka faa'ideystey garabki Cabduraxmaan cirro ee xisbiga ucid oo marki laga xukumay,hoggaanki xisbiga, ayay markiba iska furteen ururka Waddani . Wixi inta ka dambeysey waan iska nastey waxaanan galey courska Peace and Conflict Resolution
Waxaan falanqeyn doona si kooban barnaamjki oloolaha doorashada si taxana ahna u faaleyn doona qodob qodob , iyado qoraal ah mar kale ,

Xukumaddan faanka badan ee masuu'lkeedi hadlaba u leyahey wax badan baanu qabaney ,wax qabadkeedu ma u dhigma faankeeda?
Bal aynu eegno hadalka madaxweynaha oo hordhac u ah barnaamijkan .Wuxu yidhi''

''Barnaamijka kulmiye wa mid si cad oo banyaal ah u qeexaya jidki loo mari laha badbaadinta iyo soo nooleynta SL. ,wa jidki aynu noolosha iyo barwaaqada iyo xukun wanaagga u mari laheyn .

Somaliland wa dal weyn oo kheyraad dabica ah Eabbe ku manneystey (macdan iyo shidaal badan) lamana manaafacadsan oo waa laga gaajeysan yahay .Waxa taas sabab u ah hogganki aya ka xumaadey dalka ,dariqi saxa ahaa ee horumar iyo barwaaqo lagu gaadhi laha ayaa laga leexiyey dalka .

Axmad Silaanyo ,.
Hadalkani wa duul mar ee bal aynu eegno isago qodobeysan waxa ka qabsomey
· Waxa la furey ururadi siyaasadda
· Waxa burco laga baddaley lacagti gimbaarka ,lakin lacagti puntland aya weli ka socota sool iyo Sanaag
· Waxa lacag la'aan laga dhigey skuulki hoose /dhexe
· Ballanqaadyadi beenowdey ;
· Waxa la kordhiyey mushuhaarki shaqaalaha 100% lakin waxa lagu fashilmey in la kordhiyo 300% gaar ahaan mucaliminta, ciidamada qalabka sida iyo boliska oo barnaamijka ku qoran sannadka ugu horeya ee kulmiye xukunka qabto in loo kordhiyo 300% .Waxana xukumaddan u dhamaanaya sannadki labaad ee bal aynu eegno misaaniyaddan cusub 2012 in lagu saxo arrinka oo la kordhiyo 300% .
· Dawlad wanaagi koobneyd ee 26 wasiir iyo wasiir kuxigeen waxey mareysa 33 wasiir,wasiir dawlah iyo wasiir kuxigeen .
· Musuq maasuqi oo meel fog gaadhey (wasiraddi oo xisaab gaar ah u furanaya lacagihi mashaaricda,lacagihi safaaraddaha debadda oo lala baxaayo sida u soo bandhigey agaasimihi guud ee w/arrimaha dibada Maxamuud Raage .Safiirki Somaliland ee S.Sudan loo magacaabey oo weli dalka u jooga lacag la'aan .

· Dawladda oo ku faanta in ay u sameeysey Hay'adda la dagaalanka musuq maasuqa ,lakin hay'addas oo ila Imika meelna ka hawl galin sabato ah shurucddi ay ku shaqeyn laheyd oo aanu parliamanku ansixin waayo dawladdi ayaan dabada ka rixyen (sida kuwa ay rabto ee maaiin qudha lagu ansixiyo .Hantidawrkina wuxu ku kobanyahey D/hoose

· Saxaafadda oo ah tiirka afraad ee dawladdnimo kaalin mug lehna ka qaadatey soo bandhigiddi maamul xumaddi Riyaale sabab weynna u aheyd guushi madaxweyne Silaanyo ,kulmiyena balanqaadey inu dhirigelin doono kuna dhaqmi doono Xeerki Saxaafadda Somaliland haddi u xukunka qabto ,markey saxaafaddu shaqadoodi halki ka si wadey ayey xukumadda madaxweyne Silaanyo u geysatey tacadiyo badan sida , cabudhin ,xadhig ,jidh dil iyo caga jugleyn joogta ah(Sida,xadhigi xuto Albaab u laabisti horn cable t.v iyo xadhigi 21 saxafi ,jidh dilki saxafiga reer borama ee imika lagu daaweynayo Addis Ababa iyo qaar kale oo badan) iyado baal mareysa Xeerki Saxaafadda Somaliland . adeegsaneysana xeerki ciqaabta .

· Xorriyatal qolki iyo xuquuq al insaa'nki oo dastuurka Somaliland damaanad qaadey aya marar badan la jabiya oo muwaadininta lagu xidha ra'yigooda ama dhaliil ay usoo jeediyeen madaxweynaha iyo xukumaddisa,sida mujaahid Cabdiraxmaan cabilqaadir oo ku dhaawacmey 8di sannadood ee u la soo halgamay Madaxweyne silaanyo si u kursiga u fuulo aya loogu abaal gudey in si sharci darro'ah oo arxan darro' ah oo kali talisnimo ah, iyado la adeegsanayoo awooddi qaranka looga saarey shirki kulmiye ee ka dhacey hotel maansoor ,iyo Boqor buur madow oo hadda u xidhan muxu u dhaliilay madaxweyne Silaanyo, Somalidu waxey ku maah maahda '' wa ley caayey ceeb ba ka raacda '' in bila shuruud lagu si daaya .

· Drajaddi ciidamada oo barnaamjka ku qoran in la hirgelinaayo, madaxweyne Silaanyo balanqaadey inu hirgelanaayo sannadka 3 Aug 2011 marki u ka qeyb galey 3 Aug 2010 sannad guuradi lix iyo tobnaad ee ciidamada policeka lakin nasiib darro markey soo dhawaatey ayu u baxey fasax bil ah London .

· Shaqo'la'anta Dhalinyarada Somaliland ee baahdey i oo sannad walba tobanaan kun ka soo qalin jabisa jaamicadaha dalka,skuuladda secondariga, dhexe,hoose oo awoodi kari waayey iney hore u si wadaan taclintooda,iyo qaar aan school ba gelin aya ku soo bira boqolaalka kun ee qof ee bila shaqo ah (shaqp doon ah ) .Muxu kulmiye ka qabtey ,maxaa se barnaamijka ku qoran ?Tahriibti dhalinyaradu ma istaagtey mise way ka si dartey ?

· Arrimaha gudaha;;Ammaanka waddanku ma ka wanaagsanyahey waqtigi Riyaale mise wu ka si darey ? side loo maareeye shirki taleex ee lagu 'unkey khaatuma state oo liddi ku ah midnimadda iyo qaranimadda Somaliland .

· Arrimaha dibedda ;Sidey loo maareyey shirki London ? Goorma lagu dhawaaqaya guddidi talo qaran ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia .Muxu wasiirka arrimaha dibaddu uga faa'ideysan waaya shakhsiyaadka muhimka ah ee taagersan Somaliland sida Faarax Macallin guddoomiye ku/xigeen parliamaanka Kenya si ula kulmo madaxda dawladda Kenya .

· Arrinta Warshadda sibidka ,Madaxweynihi hore Riyaale qolo siiyey waraaqo ,madaxweyne Silaanyona dad kale ayu siiyey ,marka sidan hore ba qoraaladeyda ku sheegeyey wa in madaxweynuhu magacaaba guddi khubara ah oo aqoon iyo waayo aragnim u leh in la kiciyo warshaddan iyo kuwa kale oo saami laga iibiya dadka oo an labada dhinac ee waraaqaha sita la isku si dayn .
· Gu'gi ayeenu ku jirna oo roobki ba da'ya ,abaar dheerna waynu ka soo baxney,maxeynu biyaha roobka u qaban weynney . Maxa se barnaamjku ka yidhi arrinta .

· Iyo mawaadic kale oo badan ayaan si taxana' ah idinku soo qori doona .

· Dardaaranki fanaanada ,Ubax fahmo marki lagu doortey Waxey tidhi''Dadka duubka ku xidhey Qaar baan dab loo shidin .
Adna wey ku doorteen dhalinti iyo barbaarti
Badahey ku daateen
Dibjirkoodi ba Wadhan darbiyada Habeenki

--
Ahmed Hassan Arwo


No comments:

Post a Comment