Thursday, May 3, 2012

Xirsi +doodiisii in kulmiye u qeybsamey xaqsoor,nasiye,rays iyo dalsan+denbi ku oogidisiii Buurmadow

Xirsi +doodiisii in kulmiye u qeybsamey xaqsoor,nasiye,rays iyo dalsan+denbi ku oogidisiii Buurmadow



Hargysa,-Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan ayaa daaha ka feyday in xukumada Siilaanyo ka danbayso xadhiga boqor Cismaan Buur-madow wuxuuna si jeesjees ah u sheegay in jeelasha loo samaystey in dadka denbi gala lagu xidhi inkastoo isaga Xirsi ahaan hore loo xidhay mar lagu qabtay haysasho hub,watayna gaadhi hubaysan,sidoo kale ayaa  Xirsi lagu eedeeyay inuu baabuur kale qoorta jaray oo uu qori DHISHIIKE  ah saarey duleedka magaalada DEGMO-YAR ee raaskoodu dego isaguna weli degan yahay balse layska sii daayey iyadaan cadaalada la horgeyn .

Wasiir Xirsi wuxuu ka dhawaajiyey inuu Boqor Buur-madow yahay denbiile qaran ee aan loo xidhin eedayn iyo aflagaadooyin uu cid u gaystay balse uu galay denbi qaran,wuxuuna wasiir Xirsi tilmaamay in Boqor Buur madow isaga wasiir ahaan ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab islamarkaana ku eedeeyay xukumada Siilaanyo inay ku jiraan shaqsiyaad badan oo xidhiidh la leh Al-shabaab sidaad daradeed caalam ku ku soo rogto cuna-qabateyn taas awgeed wuxuu wasiir Xirsi nidar ku galay in la ciqaabi doono.

Dhinaca kale wasiir Xirsi wuxuu ku dhiiraday inuu kashifo in xisbiga Kulmiye qaybqeybsamay,jidkii burburkana cagta saarey maadaba galbeedka Hargeysa oo sida uu sheegay ahayd halkuu taageerada ugu weyn ka heli jiray ay ka soo baxeen laba urur siyaasadeed oo reer Hargeysa ah oo la qeybsaday taageeradiii uu ku lahaa galbeedka Hargeysa, labadaas urur siyaasadeed oo aanu sheegin magacyadooda ayaa mid ka mid ah la aaminsan yahay inuu yahay DALSAN oo taageeradiisa u weyni fadhido galbeedKa Hargeysa.

Sidoo kale ayuu wasiir Xirsi sheegay in koonfurta Hargeysa oo ahayd degaan xisbiga Kulmiye taageero weyn ku lahaa uu gebi ahaanba waayey ama lumiyey markii halkaas uu ka soo booday ururka XAQSOOR oo si weyn ula wareegay taageeradii xisbiga Kulmiye ku lahaa degaankaas. Sidoo kale ayaa ayaa gobolada bariga siiba bariga Burco,qeybo ka mid ah Sanaag iyo bariga Saaxil oo aad looga t aageeri jiray xisbiga Kulmiye ay ka soo baxeen laba urur siyaasadeed NASIYE iyo RAYS oo taageearayaashoodu yihiin taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee goboladaas oo aan cidi taraxin,waxaanay labadaas urur si toosa iyo si dadbanba u wiiqeen amaba meesha ka saareen cududa taageeradii balaadhnayd ee xisbiga Kulmiye ku lahaa bariga Saaxil,bariga Burco iyo qaybo ka mid ah Sanaag.

Isku soo wada duuboo wasiir Xirsi ayaa markii ugu horeysay ee uu si toosa uga hadlo warbaahinta kashifey ama daaha ka feyday asaraaro badan oo dadku hadal hayn jireen balse hadda mugdigii ka baxay sida in taageerayaashii xisbiga Kulmiye u kala qeybsameen,ama ku kala biireen ururada DALSAN,NASIYE,RAYS iyo XAQSOOR,tu kale wasiir xirsi oo ah wasiirka uu soo hooyey madaxweyne siilaanyo ceebaha, eedaha,guuldarooyinka iyo dhaliilaha maamul ee ugu badan ayaa sheegay inuu yahay wasiirkii ugu da yaraa ee soo mara golaha wasiirada iyo wasaarada madaxtooyada taas darteed loo quudhi waayey xilka oo la xaasidaay o balse muu cadayn cida xaasideysa. 


No comments:

Post a Comment