Wednesday, June 6, 2012

DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-2

DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-2
TACLIINTA SARE IYO FARSAMADA

Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynah ee Dhaqaalaha

Aan dib u raaco raadkeyga iyo xidhiidhka uu la leeyahay horumarka tacliinta Sacuudiga. Xiligaan shaqada ka bilaabay Arrazi oo ay wada lahaayeen SABIC oo xukuumadda Sacuudiga ah iyo Mitsubishi Gas Chemical oo Japan ah, waxa Aanu ahayn 10 Agaasime oo sida nidaaamka Japanka subax kasta kulma nus saac ka hor xiliga shaqadu bilabanto oo ahayd 7 subaxnimo. Xiligaas waxa keliya ee shirka nala fadhiisan jiray Sacuudi ahaan hal nin oo ahaa PR amba agaasimha xidhiidhka bulshada intayada kale waxaanu ahayn ajnabi Carabna waxaanu ahayn ani iyo nin Falastiin ah, waa hadaad Soomalida ku tiriso carabta!.  Waxa xiligaas qorshaysnaa in muddo shan sano ah la gaadhsiiyo Sacuudiga 30%. Arrazi oo daacadnimo ka muuqato ayaa dardar gelisay arrintan. Waxa la diray boqolaal sacuudi oo isagu jiray Jaamici iyo Dugsiyada Sare. Waxa loo qaaday Osaka ooy marna  wershad tan la mid ah ay ka hawl galaan inta kalena waxbarasho degdeg ah ay qaataan. Hawshoodu ma aha xafiis fadhi waa hawl gacmeed..waa makaanik, dabyahan (Electrician) Plant Operation iyo maamulka wershadda iwm. Waxay ku noolaayeen nolol xero askari ah ooy xataa ka mid tahay waxbarashadooda leyliga jidhka, orod, booto iwm. Waxay ii sheegeen in la seexin jiray 9 habeenimo 5ta Subaxnimana la toosin jiray.

Yeyna taas ila durkine, waxa muddo shan sano ah agaasimayaashi noqdeen 5 Sacuudi ah  ooy 3 tahay dhinaca maamulka wershadda. Waxaan ahaa agaasimihii ugu dambeeyey ee ajnabi ah. Intaanan ka tegine waxa ley magacaabay La-taliyaha Maaliyadda ee Madaxweynaha Shirkadda oo markaas ahaa nin Japanese ah. Muddo yar dabadeedna waan ka dhoofay anigoo ogaa in la gaadhay xiligii aan aqoonta iyo tababarka aan u gudbiyey dhalinyarada Sacuudiga oo runtii aad ii ixtiraami jiray inay shaqayso. Waxay jecleysteen inaan la joogo oo si kale ula shaqeeyo macna La-Taliye iyo tabobare, waan se ka cudur daartay.
 Ar-razi waxay noqotay shirkadda keliya ee gaadhay heer ka sareeya kii loo jeexay dhinaca Sacuudiyeynta. Waxayna qaadatay abaal marin anna wax ayaa iga soo gaadhay.  Aan ku noqdee 1987kii waxa ay gaadhay in ATA( Annual Turn Arround) oo ah muddo bil ah oo wershadda la joojiyo si loo mariyo faxas iyo siyaano amba dib-u-cusbeysiin in dhammaan cidda hawshaas loo dhiibay noqdeen Sacuudiyeen min engineer ilaa saliideeye. Looguma tegin. Wey ku guuleysteen, iyana baadifad kale ayaa nala siiyey, si gaar ahna waxa loo abaal mariyey raga kaakiga iyo saliiddu jidhkooda madoobeysay.

Dalkani wax kasta ha ka khasaaraane waxu aaminay in waxbarashu tahay tan lagu gaadhi karo horumar dhaqaale iyo mid bulshaba. Waxa la bilaabay jaamacado aan tiro lahayn oo gobal kasta iyo magaalo kastaba laga aasaasay. Ma aha jaamacado yaryar. Bal qiyaas gobalka koonfurta oo ah ka ugu dambeeya dhinaca aqoonta ooy ku taal Jamacadda Jaysaan waxa dhigta 45 kun iyo dheeraad! Kuwa Riyaad iyo Jedda iyo Dahran maxaad u malayn.  Bil iyo badhkaan joogay, waxa boqorku dhagax-dhigay 7 magaalo Jaamacadeed oo cusub oo balaayeen doolar ku bixi doonto. Ma aha Jaamacaddo waa Magaalooyin Cusub oo nolashu nooc kasta ka bilaabmeyso saxaare madhan oon nool iyo mood midna lahayn.
Waxa iyana la dhaqan galiyey in dhammaan ruux kasta oo Sacuudi ah oo hela shahaadada dugsiga sare inuu Jaamacadda uu doono heli karo debed iyo gudaba. Taas oo ka dhigtay inay in badani u baxaan debedda. Waxa la yaab ah in hablaha dhoofaaya loo ogolaaday inay raacaan muxrim la noolaada khrashkana ay bixineyso xukuumaddu. Waxaan arkay qoysas Soomalilander ah oo Sacuudi ah oo badan oo arrintan ka faa'ideystay, qaarkoodna ay ahaayeen agoon aad ula tacaalaysay nolosha bal se manta helay shaqo iyo cilmi., heleynay dhabada nolosha oo horumar iyo badhaadhe hiigsaneysa.
Sacuudigu waa dalka ugu taranka badan nisbiyan. Taas oo ka dhigtay mid si joogta ah u kordhisa miisaaniyadda arrimaha tacliinta iyo caafimaadka. Waxa socda dhismayaal aan joogsi lahayn oo lagu dhisaayo dugsiyada hoose, dhexe iyo sare oo ka badan jaamacadaha.

Waxa socda doodo badan oo laga leeyahay in lagu hanuuniyo dadweynaha inay farsamada gacanta iyo shaqooyinka hoose la karaameeyo si bulshadu u noqoto mid isku filan. Waana arrin aan weli la gaadhin oo yasid ayaa jirta hoos loo eego farsamoyaqaanka, wallow ay Arrazi taas berri hore jabisay. Tvga, idaacadda iyo jar'iidku waxay mar walba hadal hayaan isku-filaanshada iyo la dagaalanka shaqo laƔanta ay sabab u tahay shaqooyinka nooc badan oo ka mid ah oon u cuntamin Sacuudiga shaqada la', kana dhalatay dhaqan hore oo gaboobey.
Waxa kale oo iyana jirta inay in badan oo dhooftay ay khrash uun qaataan ooy waayeen kormeer hubiya inay waxbarasho habboon qaataan. Iyana waa arrimaha ay jaraa'idku ku dhaliilaan xukuumadda. Waxay kale ooy farta ku fiiqaan musuq ka jira dhinaca jaamacadaha debedda oo lacagtuun qaata warbixino been ahna ka soo bixiya ardayda.

Waxa iyana rayi laga dhiibtaa manhajka oo u badan dhinaca culuumta bulshada, iyo dhakhtarnimo iyo injineer, iyadoo ay yaryihiin dugsiyada farsamada gacanta wallow dalku kuwaas uu aad ugu baahan yahay. Calaa kuli xaal waxay iila muuqataa inay tacliinta Sacuudigu ku socoto xowli xoog ah wallow ay ku joogto takliif weyn oo khrashyo badan oo la dhimi karo iyo musuq ka muuqdo. Waa se mid xoogga dhaqaale ee dalku qarin karo. Dariiqa se loo jeexay ee 10-20 sano ah waa mid ku socda in la heli bulsho isku filan oo tartiib looga maarmo ajnabiga. Hadafkoodu waa 75-80% inay tahay halka ugu habboon in xoogga shaqaalahu ahaado Sacuudi isku geyn ahaan . Waana mid ay gaadhi karaan kolkaad eegto tarankooda iyo qorshahooga tacliimeed.   

Waxaynu maqaal kale ku soo qaadan sida cilmigu u beddeley bulshada dhaqan, dhaqaale iyo ganacsiba. Waxaan ka faa'ideystay wax weyn loo dalkeeni qaban karo iyo dhabada horumarka ugu habboon loo maro. Ma aha inaynu is nidhaahno maxaa dal petrol leh aynu kaga dayan karnaa. Waxaan qabaa anigoo soo arkay Yurub iyo galbeed in dalka aynu wax ka baran karnaa yahay dalalka khaliijka oo isbedel bulsho oo xooga soo maray dhaqan iyo diina aynu wadaagno, taas ku dar inay shalay ahayd kolkay betroolka baadhaayeen, inaguna aynu marayno marxaladaas..qaladkey galeen iyo guusha ay gaadheen waxay inoo noqonaysaa duruus faa'iido badan.
Waa inoo mar kale iyo waayaha Sacuudiga iyo duruustaynu ka qaadan karno, haddii Ebbe idmo.

Axmed Xasan Carwo
La-Taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment