Sunday, June 10, 2012

Mujaahid Axmed Cali Dable oo maanta soo bandhigay musharaxnimadiisa golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye

Mujaahid Axmed Cali Dable oo maanta soo bandhigay musharaxnimadiisa golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye
Xafladan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye gaar ahaan hoolka cali maashaal

Mujaahid Axmed cali dable oo manta soo bandhigay musharaxnimadiisa golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye 
Xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa maanta soo bandhigay musharaxii labaad ee u tartamidoona golaha deegaanka Somaliland ka dhicidoona dhawaan . 

Xafladan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye gaar ahaan hoolka cali maashaal ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf tiro badan iyo hogaanka sare ee xisbigaasi oo uu horkacaayo gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ugu horayn waxa madashaasi ka hadlay qaar ka mida oday dhaqameedkii ka soo qayb galay xafladaasi iyaga oo ka sheekeeyay taariikhdii mujaahid axmed cali dable iyaga oo dadka ugu baaqay inay siiyaan taageerada musharaxan gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye jaamac shabeel oo isaguna ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in xisbiga kulmiye soo xulidoonaan dad u qalma golaha deegaanka islamarkaana wax u qabandoona bulshada iyo qaranka Somaliland agaasimaha sama falka madaxtooyada Somaliland marwo aamina maxamuud diiriye ayaa sheegtay in xisbiga kulmiye wax ka qabtay duruufihii bulshadu tabaysay iyada oo dadkana ugu baaqday inay sugaan inta aan laqaban xildhibaan IIbraahim axmed haybe oo ka mida galaha wakiilada Somaliland ayaa isaguna u duceeyay musharaxan . 

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi oo xafladaasi ka hadlay ayaa shaaciyay in musharxani ka mid noqon doono kulmiye laga bilaabo maanta mujaahid Axmed cali dable ayaa isaguna geestiisa u mahad naqay dadkii madashaasi yimi isaga balan qaaday inuu wax ka qaban doono 
Mujaahid Axmed cali dable ayaa ka mida mujaahidiintii dalka u soo halgamay islamrkaana waxa uu ahaa maareeyihii hore eev wakaalada biyaha si kastaba ha ahaatee musharxan ayaa noqonaaya musharaxii labaad ee ka soo jeeda gobalka maroodi jeex oo shaaciyay musharaxanimadiisa xafladan ayaa ku soo dhamaatay jawi fiican. 

Diyaariye Mustafe Axmed Herer (HERER)
http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment