Sunday, September 2, 2012

Tirada Ku Korodhay Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyay Ee Madaxweyne Siilaanyo Soo Magacaabay Iyo Wasaaradaha Saaxada Laga Saaray Ee Dib Loo Soo Nooleeyay

Tirada Ku Korodhay Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyay Ee Madaxweyne Siilaanyo Soo Magacaabay Iyo Wasaaradaha Saaxada Laga Saaray Ee Dib Loo Soo Nooleeyay

Hargeysa, August 2, 2012 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo 28 July 2010-kii golihiisii wasiirada ee ugu horeeyay soo magacaabay ka dib markii uu natiijadii codadka doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010 uu codad aqalabiyada ah ugu guulaysatay doorashadaasi, ayaa xilligaasi waxa uu soo dhisay gole wasiiro oo ka kooban 26 xubnood, kuwaas oo iskugu jiray 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen, taas oo uu sheegay inuu waafajiyey balanqaadkiisii dawlad kooban oo tayo leh inuu soo dhisi doono.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddo laba sano iyo bilo ah xilka hayay, ayaa muddadaasi mansabyadii xubnaha golaha wasiirada ee uu koobay ku kordhiyay wasiiru dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno hor leh, kuwaas oo iskugu jira wasaarado xilligii maamulkii hore jiray iyo mansabyo cusub oo kale.

Xubnaha lagu kordhiyay golihii wasiirada ee la magacaabay 28-kii July 2010-kii oo xilligaasi ahaa tiradooda guud 26 wasiir, balse wakhtigan xaadirka ah maraya 34 wasiir, iyadoo xubnihii wasiirada ee uu madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay markii xilka hogaaminta qaranka loo dhaariyay ay ka sii joogaan 14 xubnood, halka kala badhna xilalka laga eryay, iyadoo sidoo kalena ay muddadaasi wasaaradaha qaarkood ay marayaan wasiirkii shanaad ee xil ka qabta.

Xubnaha golaha wasiirada iyo tirada wasaaradaha ee muddadaasi ka dib lagu kordhiyay ayaa kala ah:-

Wasiirka dibu dajinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, kaas oo magacaabistiisa ka hor wasaaradaasi la hoos geeyay wasaarada arrimaha gudaha.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta Miyiga Maxamuud Siciid Gacamey, ay xilligii la magacaabay wasaaradaasi ka tirsanayd wasaarada xanaanada xoolaha.

Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xilligii la magacaabay wasaaradaasi ay ka mid ahayd wasaaradihii laga saaray saaxada hay'adaha dawlada.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibada Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan

Wasiiru dawlaha Maaliyada Mr Cismaan Cabdillaahi (Cadaani)

Wasiiru dawlaha nabadgalyada gobollada bari Kayse Cabdi Yuusuf

Wasiir ku xigeenka amniga ee arrimaha gudaha Abokor Cabdillaahi Cismaan

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Xubnaha golaha wasiirada oo isku shaandhayntooda iyo xil ka qaadistooda lagu saleeyo qaab reeraysan oo beelaha qaarkoodna ay u fahmeen in si beelaysan loo kala yeesho jagooyinka wasiirada iyo mansabyada golaha xukuumada oo aanu iyadana idiin soo bandhigi doono.

La soco….

No comments:

Post a Comment