Sunday, September 2, 2012

Maareeyihii Cusbaa ee shalay Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo ku dhex dhacay shaqaalihii Telefishanka Qaranka isagoon Xilba la wareegin Go’aamo khal khal galiyayna Gidaarka ugu dhajiyay

Maareeyihii Cusbaa ee shalay Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo ku dhex dhacay shaqaalihii Telefishanka Qaranka isagoon Xilba la wareegin Go’aamo khal khal galiyayna Gidaarka ugu dhajiyay

Sagaashan wariye oo Imtixaanka Dawladda ku soo baxay oo Rasmi ahaa ayuu Amray inay ka dareeraan Telefishanka

Hargeysa(Waaheen) Maareeyihii cusbaa ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa ku talaabsaday isagoon Xilkii la wareegin inuu soo saaro go’aamo uu shaqadii Telefishanka kaga dareerinayo 91 Wariye oo ahaa shaqaale rasmi ah oo Imtixaankii Dawliga ahaa ee Hay’adda shaqaalaha ku soo gudbay.

Arrintan ayaa fawdo iyo jahawareer manta ilaa caawa ku abuurtay Wariyayaasha Telefishanka Qaranka oo tiradoodu dhan tahay boqol iyo Afartan Wariyayaal iyo shaqaale isugu jira, waxaanu Amray konton ka mid ah mooyee 91 ka kale inay u wareegaan Wasaaradda Warfaafinta oo iyaba la ciir ciiraysa Wariyayaal iyo shaqaale kale.

Talaabada Maareeyaha cusub ayaa dhacday manta isagoon xilkiiba la wareegin ama wasiiradii uu hoos tagayay Siyaasad ahaan sida uu Madaxweynuhu sheegay aanay xilkiiba tirsan, waxaanu qoraalo aan shaanbad iyo Saxeex toona lahayn ku dhajiyay gidaarada Xarunta Telefishanka oo ku dhex taala Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirkii hore Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirka Cusub Abiib Diiriye Nuur ayaa u balamay Salaasadda inay xilka la kala wareegaan, hase yeeshee talaabadda Maareeyuhu waxay u muuqataa mid hordhac u noqonaysa khilaaf iyo maamul xumo ka culus tii Wasiir Xaabsade hore u sheegay balse Madaxtooyaddu Maqluubka u akhriday ee sababtay Madaxweyne Siilaanyo inuu kula safto koox agtiisa laga ogol yahay.

Magacaabista Maareeyaha cusub iyo awooda Madax banaanida ah ee Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay waa kuwo sii hol-cinaya dabkii haystay Wasaaradda Warfaafinta oo laba sano u dagi la dareeno u badan dagaal dhaqaale oo Wasaaradaasi laga raadinayo, waxaanau natiijadeed arasmiga ah la arki doonaa maalmaha soo socda.

Short URL: http://waaheen.com/?p=46027

No comments:

Post a Comment