Sunday, October 7, 2012

Madaxweyne Siilaanyo oo furay shir Lagu qiimaynayo waxqabadka Golaha Wasiirrada

Madaxweyne Siilaanyo oo furay shir Lagu qiimaynayo waxqabadka Golaha Wasiirrada

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ka furay shir Golaha Wasiirradu yeelanayaan oo lagu gorfaynayo waxqabadkii xukuumadda ee labadii sanadood ee la soo dhaafay iyo sidii loo darsi lahaa caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo socon doona muddo sadex maalmood ah waxa Wasiirradu ku soo bandhigeen qodobadii u hirgalay iyo wixii u qabsoomi waayay duruufaha sababay.

Shirkan Golaha Wasiirrada ayaa lagu wadaa in la dejiyo qorsheyaal lagu waajahayo caqabadaha ka horyimid Wasaaradaha kala duwan ee dalka.

Shirkani waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Golaha Wasiirradda ku soo bandhigaan waxqabadkoodii, waxaana laga soo saari doonaa qorsheyaal ay kaga gudbayaan wixii carqaladaas lagaga baxayo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment