Tuesday, October 2, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA



TACSI GEERIDA PROF. MOXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE)



Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum
PROF. MOXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland iyo Soomali oo dhan, gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday.

PROF.GAARIYE, waxuu ahaa taariikh socota.
Waxuu ahaa macalinka dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, abwaan ummadeed oo bari, galbeed , koonfur iyo waqooyi carada Soomaalieed ee shanta ah iyo qurbahba ka ah bidhaan si cad u ifrtiimeysa. Geesi aan hadalka la gaban, garyaqaan xaqqa ku addima, nin weedhiisu tuf leedahay oo carabkiisu damqo daalin kasta oo dadkiisa duudsiye, nin ereyga uu yidhaahdaa ka nixiyo inta aan dadkooda u damqan, nin aamin san xorriyada afkaarta qoraal iyo hadalba. Nin tilmaama oo toosiya madaxda kuna soo rida tubta toosan iyo dariiqa wanaagsan. Waxuu ahaa fariin yuururta oo il dheer, nin u damqada danyarta iyo qofka dulman. Waa nin galay taariikha Soomaaliyeed oo qalin dahab ah lagu qoray, gabaayaa iyo maansoyahan, ku caan baxay cilmiyeenta afka Soomaliga, miisaan iyo higaad, xarakeyn iyo cabiraadba. Waxuu ka mid yahay tirada yar ee Soomali isku raacdya abwaanimadiisa, ayna xusi doonaan jiilasha soosocda fac ilaa fac.
 
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.



Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa,
Eci.advisor@ymail.com


No comments:

Post a Comment