Saturday, December 15, 2012

Bilad Sharaf Sanad -kasta la bixiyo Dalka Finland oo uu sanadkan nasiib u helay Wiil reer somaliland

Bilad Sharaf Sanad -kasta la bixiyo Dalka Finland oo uu sanadkan nasiib u helay Wiil reer somaliland


Bilad Sharaf Sanad -kasta la bixiyo Dalka Finland oo uu sanadkan nasiib u helay Wiil reer somalilanda.
 

 Maalintaas oo ku beegnayd maalintii xornimada dalka Finland, ayaa xaflada balaadhan oo lagu xusaayey maalintaa xornimada oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sarsare oo dawlada finland qaybaheeda kala duwan ka socotay Magaalada VANTAA ayaa Bilad sharaf qiimo weyn leh dalkaa iyo maalintaa gudoonsiiyey Said Hussein Abdi Arraleh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

 Sababaha uu Saciid ku mutaystay biladana ayaa waxay ahayd tartan xagga mashaariicda horumarinta.

 Sanad kasta Maalinta xornimadda finland ayaa waxaa Biladan la gudoonsiiyaa cidii ku guulaysata tartan loo qabtoilaa 25  Mashruuc oo ay ku tartamaan ururada ama hayadaha u khidmeeya ama u adeega bulshooyinka Ajaanibka ah ee k u dhaqan Finland.

 

SANADDA 2012 WAXAA KU GUULEYSTEY Said xussein abdi arraleh.  Sababihii uu ugu guuleystet siciid waxaa lagu xusay karti iyo wada shaqayn fiican oo xaga dawlada ah, maamulka iyo masuuliyada project ahaan, is dhexglka ajaanibka iyo finnishka oo uu si fiican uga shaqeeyey.
iyo projectiga uu masuulka ka yahay oo resulti fiican ka soo saaray xaga shaqa gelinta dhalinyarada iyo waxbarshadaba.


dhalinyarada projectigani u adeega ayaa waxay ku kala hadlaan 18 luqadood.
 
Siciid  Wuxuu Ka Mid Ahaa Asaasayaalkii  Ururka R3; (Respect Rights & Responsibility) Oo La aasaasay Sanadkii 2003. Hada Said xussein abdi aarraleh Waa Madaxa Masuulka Ka Ah Projectiyada R3.  Wuxuu Ka Mid Yahaay  Ururda Iminka Ugu Waaweyn Ee Finland Ka Shaqeeya.


Ururka Gudoomiyiihisa  Aadan Abdi Ibraahim  Oo Hada Burco Ku Sugan Ayaa Isna Xafiis Ka Furay Burco. Ururku Waxuu U Adeega Dhamaan Dhalinyarada Ee dadka asalkoodu ka soo jeedo wadamo kale. Siiba Haday Tahay Sportska, Shaqa Abuurida Iskuulada Iyo Horumarka Bulshada.
 
Said Hussein Abdi Araleh

Vantaa-Finland

No comments:

Post a Comment