Wednesday, December 12, 2012

Madaxtooyadda Oo Xalay U Jawaabtay Dr. Gaboose Iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Madaxtooyadda Oo Xalay U Jawaabtay Dr. Gaboose Iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

"Xasan Ciise 20 sanadood ayuu waddanka joogay, waxa maanta u muuqdaa maxay shalay ugu muuqan waayeen, muu maalin uun ka hadlo ………." Dhuxul

dhuxulHargeysa (Waaheen) – Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedaymo ay si gaar gaar ah xukuumadda ugu jeediyeen Guddoomiyayaasha ururadda Umadda iyo Xaqsoor Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Xasan Ciise Jaamac.

Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Madaxa-banaan ee Waaheen ayaa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, isaga in hadalka Dr Gaboose ku sheegay in dimuqraadiyadda Somaliland la soo aasayo uu yahay mid aan qabban shacabka reer Somaliland iyo kuwa u coddeeyay ururka Umadda.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ari,ahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  "Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo hadal Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umaddu ku sheegay in dimuqraadiyada Somaliland la soo aasayo, runtii arintaasi arin shacabka reer Somaliland qabata maaha, arin dadkii ururka Umadda u coddeeyay u qalanta maaha, waxay ugu coddeeyeen in la kobciyo oo la koriyo dimuqraadiyadda.

Tartanka loo galayey xisbinimaddu wax la wadda ogaa ayay ahayd in cidna ku soo baxayso, cidna ku hadhaysay oo taa waa la wadda yaqiinsanaa, Dr Gaboose waxaan leeyahay dimuqraadiyadda Somaliland maaha wax lagu cabiri karo rabbitaanka shakhsi kaliya, dimuqraadiyadu maaha wax lagu bilkeedinayo, ama lagu cabirayo ama laga qiyaas qaadanayo hal shakhsi doonitaankiisa oo kaliya, waa doonitaan shacabka reer Somaliland oo dhan ka dhaxaysa dimuqraadiyaddu, dimuqraadiyadda Somaliland-na dhiman-mayso ee way dhismaysaa runtii, dimuqraadiyadda Somaliland muddo dheerbay shacabkani ku soo tabcayeen, hareeraha ay ka soo joogeen, guulbayna ka gaadheen, dimuqraadiyad dhimanaysaana ma jirto ee way dhismaysaa, in shacabka Somaliland erayo noocaas ahi dhagahooda ku dhacaana waa ayaan daro, oo ay waliba ka soo baxaan qof doonaya inuu hogaanka dalka qabto"

Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday "Dimuqraadiyadan uu maanta aaskeeda sheegayaa, shalay markii uu yidhi xisbi-baan doonayaa ayuu xabsi ku mutay, Madaxwayne Siilaanyo kii barbar istaagay buu ahaa, kii markii uu ku guulaystay Wasiirka arimaha gudaha ka dhigay buu ahaa, kii markii Gaboose yidhi xisbi-baan furanayaa u fasaxay-buu ahaa, maaha kii maanta odhan lahaa dimuqraadiyadii-baa la soo aasayaa, ama xukuumadda ku eedayn lahaa inay dimuqraadiyadda burburinayso, Siilaanyo waa dimuqraadi, isagaa ayaa shacabka Somaliland ugu balan qaaday dimuqraadiyadda oo dadka hamiga siyaasadeed lihi ay ka qayb-qaataan, taana wuu ka dhabeeyay oo uu u furay, markaa Gaboose ma guul-buu ku sheegayaa guul daro, shacabka Somaliland arintaasi ma qabato, doonitaankooda iyo jiritaankooda ma qabato, dimuqraadiyadda iyo shacabka Somalilandba way sii jiri doonaan"ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Waxa kale oo uu yidhi Gaboose, xukuumaddu waxay faro-galisay hanaankii doorashadda dalka ka dhacday, xukuumadda waxay masuuliyadeedu ahayd inay diyaariso saaxada lagu tartamayo, wayna diyaarisay oo amniga ayay sugtay, laakiin Komiishanka ayaa u dhex ah ururadda, waala caban karaa oo cabashadu way iman kartaa, laakiin cabashadu maaha mid la yidhaahdo masiirkii umadda ayaa la soo aasayaa, waana ayaan-daro, weliba waa mid aan qabban shacabkii u coddeeyay ururka Umadda oo aan ogahay in damiirkoodu ka damqanayo erayadaasi Gaboose ka soo yeedhay, markaa xukuumaddu taasi bari-bay ka ahayd oo ururadda iyo xisbiyadda dhexbay u ahayd, Madaxwaynaha Somaliland-na waxa uu markiiba soo saaray inaan shaqaalaha dawladda, gaadiidka dawladda midna aanay doorashadaasi ka qayb-galin, taana waa laga dhabeeyay oo gaadiid, shaqaale ama shakhsi dawladda ah oo doorashadaasi gallay ma jiro runtii"

Afhayeenku waxa kale oo uu Dr Gaboose ku eedeeyay "Hadalka Gaboose-na waxa uu muujinayaa in dimuqraadiyadda Somaliland uu isagu isku cabirayo, dimuqraadiyadu shacabka ayay ku cabiran tahay oo shacabka ayaa tisqaadkeeda leh, markaa maaha in maanta la yidhaahdo dimuqraadiyadii ayaa la soo aasayaa, dimuqraadiyadu way dhisantay-baanu leenahay, ciddii cabasho qabtana Komiishanka iyo Maxkamaduba way u furan yihiin, laakiin sabab xukuumadda loogula soo galgashaa ma jirto, haddii Kulmiye codad badan helayna waxay caddaynaysaa in xukuumaddu wax qabatay, dimuqraadiyadda Somaliland-na dhiman-mayso ee way jiraysaa inta shacabka Somaliland hareeraha ka taagan yahay"ayuu yidhi.

Dhanka kale, Afhayeenku waxa kale oo u jawaabay Guddoomiyaha Xaqsoor "Xukuumaddu in urur soo baxo iyo in laba soo baxaanba waatii furtay, Madaxwayne Siilaanyo markii uu furayey ayuu ku tallo-galay in ururana soo bixi karaan, ururana ay hadhi karaan. Xasan Ciise 20 sanadood ayuu waddanka joogay, intaa dalku Marxalado kala duwan, siyaasado kala duwan, waayo kala duwan ayuu soo maray, waxa maanta u muuqday muxuu shalay ugu muuqan waayay, miyuu maalin uun uga hadlo xaaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo maray" ayuu yidhi

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=55429

No comments:

Post a Comment