Friday, December 28, 2012

Taliyihii Malleeshiyada Khaatumo ee Degmada Taleex iyo Ciidan uu Wato oo isu Dhiibay Somaliland

Taliyihii Malleeshiyada Khaatumo ee Degmada Taleex iyo Ciidan uu Wato oo isu Dhiibay Somaliland
Last Modified: Thu 27th Dec,2012
Hargeysa (Jam)- Cutub ka tirsan malleeshiyada kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo wata gaadiid isugu jira kuwa dagaal iyo xamuulka, ayaa isu dhiibay shalay ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay aagga Gambadha ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka oo duleedka magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey malleeshiyadaas, ayaa sheegay in malleeshiyada ka soo goostay kooxda Khaatumo ay hadda si rasmi ah ugu biiri doonaan millatariga Somaliland.

Mr. Saleebaan Cabdi Jaamac oo hoggaaminayey malleeshiyada isu dhiibay ciidammada Somaliland, isla markaana sheegtay inuu yahay taliyihii guud ee malleeshiyo-beeleedka Khaatumo ee aagga Taleex, ayaa xusay inay ciidammada qaranka kala shaqayn doonaan sidii ay ula wareegi lahaayeen fadhiisamadoodii degmada Taleex.

"Waxaannu go'aansanay maadaama Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ballanqaaday in cafis loo fidin doono malleeshiyaadka Somaliland ka soo horjeeda in aannu cafiskaas ka faa'iidaysano, kana mid noqono ciidanka qaranka, una shaqayno oo gaadhsiino degmadayada. Sidaa darteed, waxaannu doonaynaa in la naga aqbalo codsigayaga aannu kaga mid noqonayo ciidanka qaranka," ayuu yidhi taliyaha watay malleeshiyada ku biirtay ciidanka qaranka.

Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mr. Axmed Hurre oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan ciidanka ka soo goostay malleeshiyada la baxday Khaatumo, "Gacmo furan ayaannu ku soo dhawaynaynaa malleeshiyada soo goosatay, inay ciidanka qaranka ku soo biiraana waxay naga qaatay muddo ilaa 45 maalmood ah oo aannu xidhiidh joogto ah la lahayn, wadahadalana noo socdeen, sidoo kalena aannu hubinaynay kalsoonidooda ay ku qabaan ciidanka qaranka iyo inay ku soo biiraan. Nasiib-wabaag maanta (shalay) ayey ciidanka ku soo biireen. Kuwa kalee walaalahood ah ee weli ku jira gacanta Khaatumo waxaannu ugu baaqaynaa inay ku soo biiraan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland," ayuu yidhi taliye Hurre.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), ayaa isna ka hadlay cutubka malleeshiyaadka isu dhiibay ciidammada qaranka, isagoo tilmaamay in kooxdaasi u soo gashay Somaliland markii ay fahmeen ahmiyadda nabadgelyada iyo qiimaheeda.

Taliye Shaqalle waxa uu intaa ku daray in malleeshiyadaasi wateen afar baabuur oo laba ka mid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee tignikada, kaasoo xusay in dawladda Somaliland soo dhawaynayso walaalahooda la khalday, waxaannu kooxaha kalee nabad-diidka ah u soo jeediyay inay nabadda qaataan oo ku daydaan walaalahooda ku biiray ciidanka qaranka Somaliland.

No comments:

Post a Comment