Friday, December 28, 2012

War-saxaafadeed Hay'adda Horn Center for Criminal Justice Advancement: Dambiyadda Dalka Ka Dhacay Labadii sanno Ee Ugu Dambeeyey

War-saxaafadeed Hay'adda Horn Center for Criminal Justice Advancement: Dambiyadda Dalka Ka Dhacay Labadii sanno Ee Ugu Dambeeyey

Kadib markii aanu samaynay xog urursi farabadan (data collection) iyo waraysiyo aanu la yeelanay khuburo............

Kadib markii aanu cilmi baadhis farabadan (Research) kuna saabsan guud ahaanba dhinaca nabadgelyada iyo danbiyada ka dhaca wadanka. 

Kadib markii aanu samaynay xog urursi farabadan (data collection) iyo waraysiyo aanu la yeelanay khuburo ku sugan dalka oo xog ogaal u ah arimaha nadgelyada, 

Kadib markii aanu dib u eegis ku samaynay riboryada loo soo gudbiyo xarumaha booliska (Police Report Review) waxay hayaddu aragtay 

· Guud ahaanba danbiyada dalku ay kordheen boqolkiiba sodon labadii sane ee la soo dhaafay ( 30% increase in crime). 


· In November 2011 ilaa October 2012 oo kaliya ay dalka ka dhaceen 18,989 oo danbi isla markaana ay yihiin kuwa la soo ribortigareeyay oo kaliya 4514 ka mid ah waxa goaan ka soo saartay maxkamad, 7990 ka mid ahna lagu xaliyay xeer dhaqameed, 2963 ka mid ahna ay maxkamadu laashay, 3522 ka mid ahna baadhisi ku socoto oo 1500 ka mid hi ay Hargeysa tahay, isla markaana tiro aad u badan oo kale aan la ogeyn. 

·Danbiyada dilka ayaa iyaguna oo uga badan tiradii sanadadii hore iyada oo Dilalka kala duwan ee sida aanada, dilalka qorshaysani ay aad ugu soo badanayaan dalka. Isla markaana Sanadkan oo kali ah ilaa 79 qof si ula kac ah loo toogtay Sanadkii ka horeeyayna 77 qof oo aanay ku jirin dilalka kama'da ah iyo dilalka ku yimaada iska hor imaadyada, mudahraadyada iyo dilalka aan qorshaysnayn. 

· In guud ahaanba ay dalka ka dhaceen 162 danbi oo Kufsi ahi isla markaana ay sanadkii ka horeeyay ee 2011 ay dalka ka dhaceen ilaa 176 danbi oo kufsi ah inta la ogyahay. 

· In ugu yaraan ay dalka ka dhaceen inta la ogyahay 2875 shilal baabuur oo ay ku dhinteen inta la ogyahay dad gaadhaya ilaa iyo 159 kuna dhaawacmeen dad gaadhaya 1440 qof taasi oo guud ahaanba aad 
uga saraysa tirooyinkii hore. 

· Ugu yaraan 4150 walxaha qarxa oo kaliya aa sanadkan ay qabteen boolisku. 

· Waxa iyaduna soo daciifaysa guud ahaanba Nabadgelyada dalka oo ay ku soo badanayaan danbiyada kala gadisan, is qabqbsiga, qabyaalada, iyada oo la arki karo saansaan wax u dhimi kara degenaanshaha dalka. 
Waa Maxay Xalku? 

· In si deg deg ah wax looga qabto danbiyada kordhaya isla markaana la dajiyo isteraajiyad cad oo lagula dagaalamayo danbiyada iyada oo awooda la saarayo danbiyada ugu culculus isla markaana halis gelin kara degenaanshaha wadanka. 

· in la kordhiyo xarumaha booliska isla markaana la qoro ardayda dhaliyarada jaamacadaha ka baxay si ay shaqo ugu noqoto isla markaana uu boolisku helo tayada ugu saraysaa ee dhinaca aqoonta ee dalku soo saaro iyadoo aynu ognahay in Wadanka oo dhan ay ka jiraan 75 xarumo boolis iyo 91 xarumo yar yar oo hoos yimaada iyadoo oo meelo badan oo dalka ka mid ahi aanu lahayn xarumo booliis oo suga amaanka. 

· In aqoonta ciidanka booliska ee hada jira sare loo qaado 
· In Xukuumada dhexe faraha kala baxdo ku dhex milanka bulshada iyo deegaanada isla markaana ilaaliso madaxbanaanida maamulada degmooyinka iyo gobolada. 

· In laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa komiishan madax banaan oo ka soo taliya sida wax looga qabanayo danbiyadan sii badanaya. 
· In la sameeyo laamo isku xidha dawlada dhexe iyo shacbiga hadii ay jirtana la nooleeyo (public relations office) is loo helo xidhiidh toos ah iyo meel ay dadku fekerkooda iyo cabashadoodaba ku soo gudbin karaan. 

· In xarun kasta oo booliis loo sameeyo laan la shaqaysa dadweynaha isla markaana had iyo jeer la socod siisa arimaha soo kordha iyo sida wax looga qaban karo, 

· In shacabka laga qayb geliyo ilaalinta nabad gelyada lana sameeyo gudiyo nabad gelyo oo degmooyinka iyo xaafadaha qaabilsan Public Involvement and Nieghborhood watch 

· In markasta dib u eegis lagu sameeyo wixii qabsoomay wixii dhacay, iyo waxa lagu dari karo (Review accomplishments, Review major events, and what can be done to further the criminal justice system). 
nab 

Allaa Mahad leh 
Maxamed-Nasir Dhoore BA, Ms- Criminal Justice 
Executive Director

No comments:

Post a Comment