Tuesday, December 25, 2012

Xisbiga Ucid oo hantiyey Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Sallaxley

Xisbiga Ucid oo hantiyey Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Sallaxley


Xisbiga Ucid oo hantiyey Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Sallaxley

 Hargeisa-- Golaha cusub ee Degaanka Degmada Sallaxley ayaa doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen ka soo jeeda xisbiga Ucid inkastoo la sheegay in xukumada Kulmiye maalmahanba quudaraynaysay inay hesho Maayarka iyo Maayar ku xigeenkaba balse ololahoodii wixii gucle iyo guuragal ku dhacay xisbiga Ucid baa kaga tudh-tudh roonaadey.

7 Xildhibaan oo ka mida Golaha cusub ee Degaanka Sallaxley oo shalay yeeshay fadhigoodii ugu horeeyay ayaa  Maayarka cusub ee Degmada u doortay Maxamuud Ibraahin Xandule.Sidoo kale waxay golaha cusub ee degaanka Sallaxley u doorteen inuu noqdo Maayar ku xigeenka degmada  Naasir Cabdi IImaan.

Dhinaca kale xogo rasmiya oo ay heshay shebekada Qarannews ayaa tibaaxaaya in lix Xildhibaan oo ka tirsan golaha cusub ee degaanka Sallaxley oo aan ka soo xaadirin madashii doorashada Maayarka iyo Maayar ku xigeenka oo Xukumada Siilanyo duduucaysay,dhabarkana ka riixaysay maanta warbaahinta la hadli doonaan iyagoo soo bandhigi doona sababaha baaqashadooda iyo mawqifkooda siday u arkaan doorashadii dhacdayba.

No comments:

Post a Comment