Sunday, January 6, 2013

Maxaa Ka Jira In Darajada Ciidamada Ee La Bixinayo Lagu Sar-Gooyey Saami-Qaybsiga Beelaha

Maxaa Ka Jira In Darajada Ciidamada Ee La Bixinayo Lagu Sar-Gooyey Saami-Qaybsiga Beelaha Ee Xilalka Dawladda Loo Qaybsado, Saraakiil Dibad-Wareeg U Badana Lagu Tixi-Doono? Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)


Tan iyo maalintii ay soo baxday wararka sheegaya in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay fulinayso balanqaadkeedii ahaa bixinta darajadda Ciidamadda kala duwan ee Qaranka ayaa waxa soo if-baxay warar kale oo ku lamaan kuwaas oo sheegaya in Darajada Ciidamada oo la filayo in dhawaan hormodii ugu horaysay lagu tixi-doono darajooyinka in lagu saleeyey qaabka saami-qaybsiga beelaha Somaliland loogu qaybiyo Xilalka kala duwan ee dalka, sida Wasiiradda, Maareeyayaasha, Agaasimayaasha IWM.

Sidoo kale Hadii ay dhacdo in nidaamkaas la sheegay loo maro darajo bixinta Ciidamada dalka oo qaab qabiil loo qaybsado ayaa waxa ay noqon doontaa carqalad kale oo ku furanta dalka, taas oo noqon doonta mid tabashooyinka bulshadda ee wakhtigan ka taagan natiijooyinkii doorashadii deegaanka ee 28-kii bishii November ee sanadkii hore ee 2012-kii dalka ka qabsoontey sii murjisa dalkana u sii horseeda marxalad adag oo waayaheeda leh.

Iyada oo aan la dafiri-karin in beelaha Somaliland wada degaa mid walba dhinaceeda u doorbidaysa in la raali galiyo, ayna si mugleh uga dhexmuuqato Saraakiisha darajada lagu tixi-doono ayaa hadana waxa xukuumadda taladda haysa wakhtigan looga fadhiyaa sidii ay arimahaas u kala furdaamin lahayd, isla markaana ay ka shaqayso nidaam ay bulshada dalka oo dhami ku wada-qanci karaan.

laga soo bilaabo1991-kii oo ah wakhtigii la aas-aasay Somaliland ayaa waxay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dalku ay halgan dheer ugu jireen sidii ay mar uun ay u noqon lahayeen ciidamo qaran  oo leh darajada ciidanka oo ah haybad ka maqan dhamaan ciidanka dalka oo dhan, waxwayna ku soo kordhin doonta hanaanka dawladda-nimo ee Somaliland, taas oo muujinaysa meeqaamka ciidan-nimo, difaac diblo-maasiyadeedna u noqonaysa himiladda shacbiga Somaliland ee ku taamaya inay mar uun ka mid noqdaan dunida.

Arimuhu sida ay doonaan ha noqdaane xukuumadda talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo oo sida aynu hore u soo xusnay balanqaaday Bixinta darajada ciidanka wakhtigii ay mucaaridka ahayd iyo wakhtigan ay talada dalka hayaanba ayaa hadana laga dhursugayaa sida ay uga baxsadaan arintaas oo ah mid culayskeeda leh, isla markaana la odhankaro way adag tahay in lagu wada-qanco qaabka loo qaybiyo Darajooyinkaas, maadaama kalsoonida xukuumada talada haysa ay ku qabeen bulshada reer Somaliland la odhan karo 50% way burburtay kalsoonidaasi, taas oo laga dheehankaro in deegaamadii xukuumada Kulmiye ay doorashadii Madaxtooyada taageerada wayn ka haysatay oo imika isku badelay deegaamo mucaarid-nimo waysada u biyeysanaya tabashooyin badan ka dib.

Bixinta darajada ciidamada dalka ayaa sidoo kale noqonaysa mid ay aad u soo dhawaynayaan cidkasta oo Somaliland wanaageeda iyo horumarkeeda jecel, isla markaana ay ka naxayaan dhamaan cadowga dalkan leeyahay, taas oo ka dhigaysa hadii ay ciidamada Qaranku helaan darajooyin la arki-doono iyada oo la isku eryanayo u tartanka barashada culuunta Ciidamada oo imika aanay dhalinyaradu aad u danaynin.

Mida kale wararka bulshada Caasimadu ay todobaadadan ugu danbeeyey goobaha la iskugu yimaado ay ku falanqaynayeen ayaa ah in bixinta darajada ciidamada kala duwan ee dalka ay xukuumadu diyaarisay, taas oo la filayo in marka ugu horaysay lagu taxo dhawaan darajadaas Taliyayaasha Ciidamada Qaranka, Bilayska iyo Asluubta, halka rucubta labaadna la sheegayo saraakiil u badan kuwii ka soo kala shaqeeyey dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre oo iyagu u dhashay Somaliland in loo badan doono oo waliba badankooda ay ka iman doonaan saraakiishaas xaga qurbaha, balse saraakiisha iyagu culuunta Milatariga bartey ee 20-kii sano ee Somaliland jirtey iyagu Kuuliyada Ciidanka bartay aan mihiimad badan xukuumada talada haysaa siin doonin, walow aannu jirin war arimahaas cadaynaya oo xukuumadda ka soo baxay.

Hadaba su'aasha meesha taal ee bulshadu is waydiinayso ayaa waxay tahay; maadaama oo imika uun dalku ka soo gudbay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, isla markaana cabashooyin iyo musuqmaasuq badani hadheeyey oo xukuumaduna dhaliilo badan ku mutaysatay, wadankana ay doorashooyinkaasi ka abuureen xiisado dhaawacay nabadgalyada guud ee Somaliland oo magaalooyinka waawayna ay ka dhaceen Kacdoono gilgiley xukuumada talada haysa ee Kulmiye oo kuba sigatey inay ku hafato ayaa hadana la iswaydiinayaa xukuumadda doorashadii deegaanka sida ay u maamushay la arkayey ma ka baxsan doontaa darajo siinta Ciidamada Qaranka oo ah arin la odhankaro way ka xasaasi-san tahay taas hore, isla markaana markale khilaafyo horleh ka abuuri-karta wadanka?.

Si kasta ha ahaatee arimahaas ayaa u muuqda laba daran mid dooro, marka dhinac laga eega-na noqonaysa Tijaabo kale oo markale ay wajahayso xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, taas oo lagu qiimayn doono sida ay u kala furdaamiso labadda baahiyood ee is-barkan, waa Darajada  Ciidamada oo ah arin mihiimad wayn u leh dalka iyo ilaalinta Nabadgalyada iyo shucuurta bulshadda dalka oo iyaduna ah arin ka sii mihiimsan.

Isku soo wada duuboo xukuumadda talada haysa ee kalsoonidii ay bulshada ku qabtey gabaabsiga ku jirto ayaa si ay u markale u kasbato quluubta dadkeeda looga baahan yahay inay Nidaam cadaalad  ku salaysan u marto bixinta Darajooyinka, taas oo noqonaysa mid Sarkaal walba lagu qiimeeyo aqoontiisa Ciidan heerka ay taagan tahay, iyada oo arimaha laga duwayo in marnaba ay u muuqdaan in saami-qaybsi beeleed ama deegaan laga dhex arko Saraakiisha la filayo lagu taxo dhawaan Darajooyinka.

Dhiirigalinta dhalinyarada baratay Culuunta Ciidamada mudadii Somaliland jirtay ee ka soo qalinjabiyey Jaamacadaha lagu barto oo iyaga in markay qalinjabiyeen ahayd in la siiyo Darajooyinkooda balse aanay dhicin, ayaa dhalinyaradaas oo ka dhexmuuqata darjada la bixin doonaa ay iyaduna noqon doonta arin Miisaan wayn ku soo kordhisa awooda Ciidan ee uu dalkani leeyahay, siina dhiirigalindoonta dhalinyarada Somaliland oo aan intooda badani xiisaynin barashada Cilmiga Ciidamada.

No comments:

Post a Comment