Monday, February 18, 2013

Askari Isku Deldelay Badhtamaha Kaanboolka Xarunta CID-Da Hargeysa


Askari Isku Deldelay Badhtamaha Kaanboolka Xarunta CID-Da Hargeysa

Hargeisa--Askari hore uga tirsanaan jiray ciidamada Booliiska Somaliland ,Cutubka loo yaqaan SPU (Special Protection Unit) oo shaqadoodu tahay ilaalinta Saraakiisha ajaanibka ee u shaqeeya Hayada UNDP iyo Hayadaha samafalka ayaa iska soo deldelay Geed Qudhaca oo ku yaala badhtamaha Xarunta CID-da Hargeysa.
Sida Goobjoogayaal arkay maydka Askarigani Qarannews u sheegeen waxaa laga war helay ,oo lagu hanbabaray goor uu dhintay isagoo ka soo laalada geedka oo aan naf iyo neefi toona ku jirin ,islamarkaana markii la xaqiijiyey inaanu nooleyn ayaa goor danbe laga soo dejiyey Geedka.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda lama hayo warar madaxbanaan oo tibaaxaya sababta dhabta ah ee keliftay ama ku qasabtay in Askarigaasi is deldelo marka laga tago odhaaho ku-tiri-kuteena oo laysla dhexmaraayey oo odhanaya in laga joojiyey Gunno uu ka heli jiray SPU-da oo laga joojiyey mudo horteed.

No comments:

Post a Comment