Sunday, February 17, 2013

Maxamed Kaahin Oo Tiriyey Magacyada Musharaxiinta Quud-Daraynaysa Jagada Gudoomiyenimada Kulmiye


Maxamed Kaahin Oo Tiriyey Magacyada Musharaxiinta Quud-Daraynaysa Jagada Gudoomiyenimada Kulmiye



Hargeisa--Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Koowaad ee kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta daaha ka feyday hankiisa iyo damaciisa siyaadeed iyo inuu quud-daraynaayo inuu ka mid noqdo Musharaxiinta u tartamaysaya jagada Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye oo khilaaf iyo muran badani hadheeyay.

Geesta kale wuxuu Maxamed Kaahin tiriyey magac- dhabayna inay jiraan musharaxiin doora oo ay ka go'an tahay inay u tartamaan jagadaas oo uu la tartami doono oo uu ka xusay madaxweyne Siilanyo,Muuse Biixi,Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale ,Isaga Maxamed Kaahin.
Intaa ka sakow wuxuu Maxamed Kaahin ku afgobaadsadey inaanu xisbigoodu ahayn sida xisbiyada taladooda nin keliyi isku koobo ama ka go'do sida xisbiyo badan oo hore u burburay oo uu Udub iyo SNL-tii Leegada uu ka magac-dhabay.

No comments:

Post a Comment