Thursday, March 7, 2013

Xukuumadda oo Boqor Raabi ku Eedaysay Khiyaamo Qaran iyo Jaamac Yare oo shalay dalka ku soo laabtay

Xukuumadda oo Boqor Raabi ku Eedaysay Khiyaamo Qaran iyo Jaamac Yare oo shalay dalka ku soo laabtay

Xeer ilaalinta oo ku Eedaysay Qoddobka 212 XHCG oo dhigaya xukun adag in la saaro

boqor raabiHargeysa(Waaheen) Xeer ilaalinta ayaa shalay Boqor Raabi C/laahi horkeentay Maxkamadda Gobolka, waxaana la mudeeyay Dacwaddiisa iyadoo Xeer ilaalintu ku soo Eedaysay qoddobka 212 ee XHCG oo ah Khiyaamo Qaran.

Boqor Raabi C/laahi ayaa Eedaynta Xeer ilaalinta gaashaanka ku dhuftay waxaanu Maxkamadda horteeda kaga dooday inaanu Eedaasi qabin wax Danbi ah oo uu Dalka ka galayna aanu jirin.

Dooda labada dhinac markii uu dhagaystay Garsooraha Dacwadda gacanta ku haya ayuu u muddeeyay dacwadaasi in la guda geli doono toddobaadkan, iyadoo fadhiga shalay uu ahaa kii ugu horeeyay ee Boqorka Xaashida Eeda loogu akhrinayay isagoo muddo ku dhaw Bil Xabsiga ku jiray.

Dhinaca kale, Jaamac Maxamed Qaalib Jaamac Yare ayaa shalay madaarka Hargeysa ka soo dagay isagoo ka yimi dhinaca Dalka Jabuuti. Jaamac Yare waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Aaminsan Mabda Federalka waxaanu dhawr jeer Hargeysa ku yimid Booqashooyin isagoo isla markiiba ka noqda, balse ma cada Mawqifkiisa xiligan ee xaaladda Somaliya iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Dacwadda Boqor Raabi ayaa ku soo hagaagaysa xilli Muqdisho iyo hargeysa ay iskaga dab qaadayaan Dad badan oo dano kala duwan u safraya isla markaana aanay Xukuumaddu wax talaabo ah ka qaadin, iyada oo Boqor Raabi Madax dhaqameednimaddiis aka sakow uyahay Ganacsade meel kastaa mubaax u tahay sida kuwa Tijaarta ah ee Albaabada u furtay Qandaraasyada ay ka quud daraynayaan Dawladda cusub ee Somaliya.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61091

No comments:

Post a Comment