Saturday, April 20, 2013

MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID HORMOOD KA BAXAY SOOMALILAND



MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID HORMOOD KA BAXAY SOOMALILAND
WQ Axmed Xasan Carwo



Waxay iga qaadatay inaan maqaalkan qore muddo dheer, waayo waxaan xusuusta Yuusuf balamadii na dhex yaalay, himmiladiisii, kolkaas ayaan waayaa geesinimo aan qoraalka leynka hore ku labeeyo. Waa adduuno inaguna aadmi ayeynu nahay oo ilow ayuu Raxmaan inagu manastay. Waa nimco haddayna jirin aynaan sii noolaanayn.
Waa Axad waana 7 April 2013. Waxaan caadaystaa inaan foonka silent ka dhigo intaan hurdo. Waan shaxaadaa hurdada oo haddaan wax yar tooso ku noqosho ma leh. Kolkaan indhaha kala furo waxaan eegaa foonka waxa war soo dhacay. Waa 6.40 subaxnimo..waa laba fariimood iyo tobaneeye wicid-foon. Caado ahaan tiradan oo kale  iimey iman jirin intaan hurdo. Dareen ayaa I saaqay. Anoon fariimihii furin ayaan sawiray naxdinta ay xambaarsan yihiin. Waayahanba waxa nagu taagnaa nabar dhina xanuunka Yuusuf iyo Abu Dabay nooga imanaayey. Anoon kalsooni qabin oo naxdini dhammeysay jidhkeyga ayaan furay fariimihii waa hoog iyo murugo dhabowday. Waa tiiraanyo tii ug cuslayd, waa mid damqashadeeda Soomaliland oo dhami dareentay. Waa xaq aynaan inta badan xusuusan. Waa geeridii Mayor Yusuuf Warsame Siciid oo tol iyo saxiiba leysoo tebiyey.
Dhidid iyo wadno garaac is barkan ayaan ka haleeley Ina Lilaa Wa ina illeyhi raajicuun. Muddo dabadeed ayaan Alle iyo qadarkiisa xusuustay waxaan tukaday laba ragcadood iyo duco. Waa hubaal inaan Qadarka eebbe cidina baajin Karin. Dunidu waa geedi aan nagaansho lahayn, waa ayaamo tirsan oo Alle qofba in ka siiyey. Waa xaqiiq aynu dhammaan hubno in qabri iyo xisaabi inaga dambeyso. Xaal kasta ood ku nooshahay qani iyo faqiir, caafimaad qabe iyo bukaan socod, madax iyo shacbiba waa mid aynaan shaki ka qabin inaynu dhadhamin doono sakaraadka geerida qofba inta Alle u qadaro, keena nasiib wacana la aasi doono. Illeyn dad badan ayaan aasba helin oon raqdoodaba la arag.

Waxaan u kacay dhinaca Madaxtooyada oon iriddaba kula kulmay gurmadii ka yimid dawladda hoose oo uu hogaaminaayo Mayor Xigeenka iyo Xildhibaano ilaa lix ah. Waxaanu u galnay Madaxweyne Xigenkii annagoo dhammaan tacsi iyo murugo nagu dhantay. Waxaana bilaabmay tabaabushiihii aaska qaran. Waxa dhammaan loo tegey Madaxweynahii. Taladina waxay ku dhammaatay aas qaran iyo tacsi taabatay quluubta dhammaan reer Soomaliland.
Haddaba aaskii oo dhammaan laga daawaday Tviiyada Soomaalida oo dhan, aan ku dhaafo inaan hore loo arag baabuurta iyo dadweyne xadigaas leh oo meel kasta dhooban. Min madaarkii Berbera oonu diyaaarad yar ku tegnay kuna soo qaadnay maydka marxuumka. Waxaan adkeysan kari waayey kolkaan arkay dumarkii la socday maydka oo murugo iyo oohin indho casaysay. Waxaan isku dayey inaan dejiyo oon qaboojiyo dareenkooda xusuusiyana qadarka Alle iyo samir. Waa Khadra oo xaaskii Yuusuf ah, waa inantiisa Ayaan, waa walaalihii Nimco iyo Saynab, iyo inanta uu abtiga u yahay ee Khadra. Waa  ehelkay oon aqaanay ilaa caruurnimadii. Ilmaa buuxisay indhahayga kolkaas ayuu sankuna dareenkiisa raaciyey. Intaan sii jeestay ayaan iska biiyey, deedna aan calool adeeg mid walba tacsi iyo samir u jeediyey. Waa goob murugo iyo meel duhur dharaareed iigu muuqday mugdi habeenimo.
 Berbera waxa ku sugnaa dhammaan madaxdii Berbera mid xukuumadeed, mid dhaqan iyo mid xisbiba. Sidoo kale ayaa loo tubnaa madaarka Hargeysa oo dadki oodda soo jabiyeen kolka dayuuradii cago dhigatay.. Waxa lagu qamaamay sanduuqii maydku ku jiray. Ruux waliba waxuu rabaa inuu gacantiis la gaadho meel ka mid ah sanduuqa. Baabuurtii oo jid kasta loo xidhay ilaa qabuuraha Xeedho waxay noqdeen qaar labada haadba mara.
Marxuum Yuusuf waxuu ahaa walaal, waalid, saaxiib iyo ruux aan ka qaato toobiyaha nolasha. Intaan garaadeystayba waan aqaanay. Waxa marag ma doon ah inuu yahay nin hantay quluubta shacbiweynha Soomaliland si gaar ahna kan muwaadiniinta caasimadda.Waxuu ahaa nin waji-furan, afgaaban neceb xanta, gacan furan oo kaftan badan, nin saaxiib badan oon xidhiidhka uu dadka la leeyahay ku salayn qabiil,qowmiyad, degmo iyo gobal toona.Asxaabtiisu waxay yihiin qaar madow, caddaan, gaal iyo muslinba leh.
Waxaan weydiiyey sida uu saaxiibadiisa u kala saaro. Waxuu igu yidhi isagoo qoslaya.."Qadyadda Soomaliland ciddii aan ka hor imanayn waan la saaxiibaa".. Waxay taasi I xusuusisay kaalinta uu ku lahaa halgankii SNM..isagoo abaabulkii iyo ururiintii uu si gaar ah ugu suntan yahay inuu yahay ninka sameeyey astaanta amba loogada SNM..

Waxaan ku farxay kolkaan maqlay inuu isu sharaxay mayornimo. Dad badan ayaa is weydiiyey maxuu Yuusuf aqoontiisa sare iyo khibradiisa ula tartamayaa dhalin aan midna haysan. Yuusuf waxuu ku jawaabay hadal ninkii maqlayba ka marag furay dal jaceylkiisa iyo hammigiisa ku salaysan wax qabad iyo badbaadin ummadeed. Waxuu yidhi…"Waxaan rabaa inaan aqoonteyda ku dhiso magaalo casri ah iyo gole lagu xusuusto wax-qabad iyo horumar. Waxaan rabaa in doorashda tan xigta ay Golaha ku tartamaan rag iyo dumar aqoon iyo miisaan dhan walba leh, oo laga guuro suáasha igu badatay ee ah maxaad hoos isagu dhigeysaa. Waxaan rabaa in la yidhaahdo waar hebel maxaad isu sharaxi weyday adaa xilkaas ku habboone ….oo aqooni taliso…"
Waa adduunyo oo inana qorshaa inoo yaal tii Allena maqan. Wuu guulaystay oo waliba uu cod ka helay degmo kasta oo ka tirsan Hargeysa. Waa leysku raacay oo afka laga dhigi waayey sida Hargeysi u heshay mayorkii ku habboonaa. Waana isla aragtidaas tan dadweynaha Hargeysa ku sagootiyeen Mayor Yuusuf Warsame.
Aan ku biiriyo aqoonta iyo khabradda Yuusuf oon wax yar idinla wadaagi doono, si aad uga marag furtaan aragtida reer Hargeysa ku gaadheen inuu qalbigood fadhiisto, wallow aanu hawsha maayornimo dhaqaajin oo tii Alle ka soo gaadhay.
Yuusuf kolkuu Dugsigii Farsamada ee Hargeysa ka baxay waxuu ku guuleystay kooras dalka Ruushka ah.
Waxuu Diploma ka qaatay Moscow Road Institute, deedna waxuu hantiyey Ms Arcitecture oo uu ka qaatay Kiev Engineering Institute. Waxuu ku biirsaday tacliinta sare ee reer galbeed isagoo ka helay London University College  Diploma; Regenration and Development in Housing , Nottingham University ayuu iyana ka helay  Diploma: Environment Planning. Waxa xigtay inuu casriyeeyo aqoontiisa oo uu ku gunaanado inuu Norwegian Architect Academy  ka helo laba diploma  oo kala ah: Architecture and ecology iyo Rehabilitation and Environment.
Dhinaca Shaqada waxuu ka hawlgalay Xamar oo uu hormood ka ahaa dhismayaashii kacaanka, waxuu sidoo kale ka hawlgalay Jabuuti iyo Hargeysa oo lagu xusuusto jidadka iyo daa'irooyinka (Roundabouts) Jabuuti, dhismaha barlamanka iyo nashqadeynta madaxtooyada. Waxaan la iloobi Karin tobananka sano ee uu ka soo shaqeeyey Dawladda Hoose ee Oslo, caasimadda Norway, dal uu haystay jinsiyaddiisa. Waxuuna ka mid ahaa ururo cilmiyeed iyo qaar mihnadeed ooy ka mid yihiin:
Member of the National Association of Norwegian Architects.
Registered Chartered Architect, MNAL.
International Union of Architects, UIA. 
Member of Oslo Architects society. OAF.

Waxa kale oo uu ahaa nin muddo ahaa La-taliyaha Mayorka Hargeysa oo ku dhalisay inuu xilkaas doonto kolkuu arkay baahida taala iyo siduu wax uga qaban lahaa.
Marxuum Yuusuf waxuu ku hadli jiray afafka  Ruushka, Norweygian,Ingiriska, Carabiga iyo dabcan kan hooyo.

Marxuun Yuusuf waxa la sagootiyey maamuus sare iyo jaceyl qaran oo dhab ah.Waxaana u dhacday aas ina tusaaya jaceylka dadkiisa inoona iftiiminaaya inuu heli doono naxariista Ebbe. Alle wuu waafajiyey khaatumo san oo labadii sano ee u dambeeyeyba wuu xajay, isagoo kan dambe ooridiisana kaxeeyey. Waxuu ii sheegay inuu sanad walba xajiyi doono inta uu nool yahay.

Yuusuf waxuu ifka kaga tegay afar uu dhalay laba wiil iyo laba hablood iyo afar uu awoow u yahay seddex wiil iyo gabadh, dhammaana ku nool Norway, iyo xaaskiisa Khadra oo Hargeysa ku nool.

 Waxaan tacsi gaar ah oo qalbiga guntiisa ka timid u dirayaa Khadra oo xaaska Yuusuf ah, tafiirtiisa iyo reer Warsame iyo tafiirtooda, si gooni ah waxaan u xusayaa hablaha oo uu Yuusuf si aan xad lahayn ugu dhowaa: Caasha, Faadumo, Sahra, Nimco, Safiya iyo Saynab. Waxaan leeyahay xaqqa Alle ayaan cidi baajin Karin ee Alle haydin waafajiyo samir iyo duco haydina siiyo cawad kheyr badan. Aamiin. 

Aan ku soo afjaro maqaalkan anoo ka wakiil ah ehelka Yuusuf mahadnaq kal iyo lab ah oon u hayno xukuumadda, dawladda hoose, iyo shacbiweynaha sida maamuuska iyo qadarinta mudan ee ay u oogeen aaska mayor Yuusuf Warsame.

Waxa ila soo xidhiidhay dad badan oo raba in loo dhigo habeen xus ah (Memorial) , waxaan balan qaadayaa inaynu samayn doono xuskaas oo ay hormood ka noqon doonaan Dawladda Hoose ee Hargeysa kolka aynu isla meel dhigno garabka haweenka oo weli aan ka soo kaban naxdintii geerida. Waa la iclaamin xiliga ay ku habboonaato Insha Allah.

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. 

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha Sl ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

Tel: Hargeysa 4096421


http://samotalis.blogspot.com/


--
Posted By Blogger to SAMOTALIS at 4/20/2013 08:58:00 AM

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan ahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete