Sunday, May 26, 2013

Ciidan Iyo Gaadhi Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Kooxda Khaatumo Oo Xalay Isu Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.


Laascanood(Ramaas)-Taliyaha Ciidanka Qaranka qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa caddeeyay in xalay abaaro 8:00pm cawaysnimo ay ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka Sool ay soo gaadheen unug dhawr iyo toban xubnood ah iyo Baabuur Tikniko ah oo ay wateen, kuwaasi oo ka soo goostay kooxda Nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo.

Taliyaha Ciidanka qaranka ee Qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay inay Unugan iyo baabuurka ay wateenba lagu qaramayn doono ciidanka qaranka.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay u mahad celinayaan soona dhaweynayaan muwaadiniinta la khalday ee la hubeeyay, waxaanu inta kale ee baaqiga ku sii ahna u soo jeediyay inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland oo ay iska dhigaan hubka.

Mid ka mid ah kooxdan oo halkaasi ka hadlay ayaa ciidanka qaranka ee jiida Sool uga mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay duleedka Laascaanood, waxaanu xusay inay ka soo goosteen kooxda Khaatumo ka dib markii ay ka waayeen wax rejo iyo naruuro ah oo ay u hayaan bulshadda.

Ramaas--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments:

Post a Comment