Monday, October 14, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO HANBALYADA CIIDDA U DIRAAYA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUNIDA ISLAAMKA

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO HANBALYADA CIIDDA U DIRAAYA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUNIDA ISLAAMKA
LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO HANBALYADA CIIDDA U DIRAAYA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUNIDA ISLAAMKA


Ciid Mubarak. Ciid wanaagsan oo wacan. Alle heyna siiyo barakada ciida, henaga yeelo kuwa cibaadada ayna  ku eekeyn xiliga xajka. Alle heyna garansiiyo inaynu adduunkana uga shaqaysano sidee aynaan dhimanayn, aakhirna sidaynu hadda dhimanayno. Alle heynoo adkeeyo nabadda iyo wadajirka. Alle waxaan ka baryayaa in barteena nabad iyo horumar inagu siiyo, dunida Islaamkana sidoo kale ayaan ugu ducaynayaa.

Alle xujaajta ha ka aqbalo gudashafa faradka, hana ku celiyo dalalkay ka yimaadeen iyagoo nabad ah oo caafimaad qaba. Allow barakada xajka nagu cafi, nagu gargaar nagana yeel kuwa gudashadiisa mar, laba iyo in ka badanba ku noqda.

Ciid mubarak dhammaan reer Somaliland, yar iyo weyn, wiil iyo gabadh, xaakim iyo shacbi. Alle henagu sugo sanado badan iyo soo noqoshada Ciida inagoo nabad ah oo ku nool barxad kheyr iyo badhaadhe ceegaago. Amiin.


Ciidda is cafiya oo is-booqda oo isa salaama. Wanaagga is fara, xumaantana iska reeba. Isu dul qaata, tilmaanta wacan iyo toosinta soo dhoweeya. Xukuumadda iyo shacbigu wadajir how galaan hawlaha qaranka. Arrinteenu ha noqoto ciid iyo camal wadajira.

 Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/


--
Posted By Blogger to SAMOTALIS at 10/14/2013 05:57:00 PM

No comments:

Post a Comment