Tuesday, October 1, 2013

SAFARKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE TURKIGA IYO KHUDBADII SAKOOTINTA




SAFARKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE TURKIGA IYO KHUDBADII SAKOOTINTA
IMG_0414.JPGIMG_0608.JPGIMG_0693.JPGIMG_0536.JPG

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti Wasiiro ah ayaa maanta Dalka Turkiga u kicitimay, halkaas oo uu madaxweynuhu ka helay martiqaad rasmi ah isaga iyo weftigiisuba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in isaga iyo wefti uu wato ay u ambabaxayaan Dalka Turkiga oo ay  martiqaad rasmi ah ka heleen oo ay kula kulmidoonaan madaxda dalkaasi kana wada hadli doonaan danaha ka dhexeeya labada dal iyo wixii masaalix ah.

Insha allaahu tacaala waxa aanu rajaynaynaa in aanu halkaasi kala kulano soo dhawayn wanaagsan iyo martiqaad wanaagsan iyo wixii daneheena ah ee ay maslaxadi inoogu wada jirto in aanu ka wada hadalno ayaan ka rajaynayaa.

Wadankaas waxa inaga wada dhexeeya dano taariikhiya, mucaawimooyin badan ayaynu ka helnaa wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin macdan baadhis ayaa ka mid ah waana waxyaalaha aanu ka soo wada hadli doono insha allaa.

Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo hadalo had iyo jeer ka soo yeedha Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya taas oo uu ku tilmaamo in wada hadalo na dhex mari-doonaan in aanu nahay dal kala maqan oo isu soo noqon doona.

Waxa aan rabaa in aan halkan ka cadeeyo oo aanan marnaba ka xiiqayn in aanu cadayno hadii la wada hadlo iyo hadii aan la wada hadalba inay tahay dal madaxbanaan oo aan madaxbanaanidiisa marnaba laga noqonayn oo aan caadifad ku dhisnayn ee ay tahay mid ummaddeeda iyo dadkeedu ku tashaday wixii soo marayna ay ogaayeen oo ay tahay mid muqadas ah gooni isu taaga somaliland.
Wixii wada hadal ah iyo wixii masaalax ah iyo wixii is afgarad ah waxa allaale wax aanu ka qabnaa ma jirto laakin maaha mid aanu marnaba uga tanaasulayno  in aanu marwalbana cadayno in aanay arrintaasi caadifad ku dhisnayn.

Insha allaa waxa aanu rajaynaynaa in aanu safarkan guul kala soo noqono waayow aa dal wax badan oo wanaagsani naga dhexeeyaan waa dal ay taariikhi inaga dhaxayso oo wax wada qabsi inaga dhexeeyo waxa aanu rajaynaynaa in wax wanaagsan oo labada dalba u wanaagsan aanu ku soo wada hadalno ayaanu rajaynaynaa.

Intaasi ka dib waxa madaxweynaha waxa la waydiiyey su'aalo

1.     S. Weriye, Boosh (Horn Cable Tv) Mudane Madaxweyne sida wararku sheegayaan waxa aad la Kulmi doontaa Raisal wasaaraha Turkiga Md. Erdogan, sida aynu ka warqabnana Turkigu waxa uu marti gelinaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya wada hadaladu marxalado kala duwan ayey soo mareen in kastood sheegtay in aanay somaliland ka noqon doonin madaxbanaanida ay ku dhawaaqday 22 sano ka hor maxay somaliland ka rajaynaysaa wada hadalada dhici doona dhawaan?
J. Madaxweynaha. Anaga wada hadalka halkaasi la nooga yeedhay kuma saabsana waxa wada hadal ah oo labadayada dal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, mana ah mid aanu tegayno oo aanu u socono hada taasi balse waa mid labadayada Dale e turkiga iyo Somaliland u gaar ah tan aanu hada u soconaa.
2.     S. Weriye Maxamed Taajir (Wargeyska Geeska Afrika) Madaxweyne waxa jira wakhtigan xaadirka ah muddo saddex sano ku siman in kasto ay hada sii dhaafayso ayaad xilka haysay, wakhtigii aad mucaaradka Kulmiye ahayd intaanay talada dalka qaban waxyaalo badan oo aad ku dhaliili jirteen xukuumadii idinka horaysay ayaad hada ku kacdaan oo ay ka mid yihiin mudaharaadadii oo la joojiyey dabcan wada tashiyada oo lagu baaqo oo la horyimaado ama si adag looga horyimaado, eedaymaha aad u jeedin jireen xukuumadii hore ma waxay ahayd inaad xilka la wareegtaan mise inaad saxdaan ayaad doonaysaa.
3.     J. Madaxweynaha. Anagu wax aanu saxno mooye waxa aanu ka hornimaadnaa ma jirto waxa aanu wadnaa waa toosin iyo wax wanaajin uun, wixii aanu ka hornimaadnaana waa wixii dumin ah iyo wixii dhibaato u horseedaya ee dalka waanu ka hornimaadnaa oo aanan ogolayna, balse wixii dalka wax u taraya ee wax ku kordhinaya taalo haday tahay rayi haday tahay waanu soo dhawaynaa shacbiga iyo ummadda Somaliland waanu wada soconaa waanagaa wada shaqaynayna meelwalbana wax ka qabanay mashaariicdii aanu meel walba ka fulinay ayaa markhaati ka ah iyo horumarka dalku samaynaayo insha allaahu tacaala taasina hore ayeynu ugu sii talaabsan doonaa inaga oo shacab iyo dawladba wada jirna.

Xubnaha Weftiga Madaxweynaha ku wehelinaya safarka Turkiga.
1.     Marwada Koowaad ee Madaxweynaha JSL. Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2.     Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis
3.     Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale
4.     Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/laahi Cumar
5.     Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL. CalI Axmed Cali
6.     Zaki Daahir Xasan oo ka mid ah Weriyeyaasha Tv-ga Qaranka

ALLAA MAHAD LEH 

http://samotalis.blogspot.com/


--
Posted By Blogger to SAMOTALIS at 10/01/2013 03:08:00 PM

No comments:

Post a Comment