Saturday, January 23, 2010

Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison

Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison

Congressman Keith Ellison1 by you.

 

Congresman Keith waa xildhibankii ugu horreyay ee Mareykan ah oo diinta Islaamka aaminsan, isla markaasna qeyb weyn ka qaata hawlaha iyo arrimaha ku saabsan Soomalida dalka Mareykanka deggan. Si wanaagasan oo qalbi furan ayuu Mr. Ellison ku qaabilay guddoomiyaha isagoo isla markaa tilmaamay inuu u heeggan yahay inuu Somaliland wax la qabto. Arrimihii guddoomiye Siilanyo kala hadlay xildhibaan Ellison waxaa ka mid ahaa in taggeero buuxda laga helo waddanka Mareykanka sidii dhaqaalaha iyo difaaca Soomaliland loo kobcin lahaa. Waxaa kaloo guddoomiyu carrabka ku dhutay in la xoogiyo geddisoctka dimoqraadiyadda Somaliland oo doorashada madaxtooyada la hantiyo si wanaagsan oo buuxdana Mareykanku iyo EU duba uga qeyb qaataan si lo helo doorasho xor oo xalaal ah.

 

Congressman Keith Ellison by you. Congressman Keith Ellison2 by you.

 

Ballan culus ayuu Congressman Keith qaaday inuu dadal cusub hawshaas dhexda u xirto, waxayna ku af jareen shirkii kuna heeshiiyeen inay khabaar joogta ah iyo xidhiidh adag labada dhinacba laga sameeyo.

Somaliland.Org
Washington DC USA

No comments:

Post a Comment