Saturday, January 23, 2010

Hargeysa Oo Dirqi Kaga Bad-baaday Kacdoon Shicib Oo Xukumada Riyaale Xilka Lagaga Tuuro

Hargeysa Oo Dirqi Kaga Bad-baaday Kacdoon Shicib Oo Xukumada Riyaale Xilka Lagaga Tuuro

 Hargeysa (Saraarnews.com), Shacabka hargeysa ayaa saaka mar kaliya  indhaha ku kala qaaday hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha Dibada Md Kayse.
Hadaladaasi ayaa saaka waxaa lagu soo daabacay bogaga hore ee joornalada ka soo bax hargeysa, gaar ahaan wargayska caanka e Geeska Afrika, in kastoo ay hore u baahiyiyeen baraha internet-ku.
Wargayska ayaa saaka aroorti hore guud ahaan laga waayey suuqyada lagu iibiyo joornaalada waxaana kor u kici gaadhay qiimaha lagu iibiyo.
Warkan ayaa waxa uu saamayn weyn ku dhex yeeshay caasimada Somaliland, meel kasta xaafadaha, basaska la raaco ee qaada rakaabka, maqaaxiyaha lagu gorfeeyo siyaasada 
Saamayntaas ayaa keentay in mar kaliya markii warkaasi saaka soo if-baxay shacabka reer hargeysi ay isa soo dhoobo wadooyinka iyo meherada hortooda.
Shacabka ayaa waxay door bideen in ay dhigaan mudaharaadyo salmi ah, isla markaana ay socod ku maraan wadooyinka iyo jidka hor-mara madaxtooyada Somaliland.
Dareenka shacabka ayaa ilaa iyo abaaro 12:30 duhurnimo isa soo taraayey. Hase ahaatee wasiirka wasaarada arrimaha dibada Md C/laahi Maxamed Ducaae ayaa faro cidideed ku fashiliyey is abaabulka shacbka.
 Wasiirka ayey khasab ku noqotay in uu hadalka ku xigeenkiisa ka soo yeedhay beeniyo, isaga oo eegay maslaxada dadweynaha iyo karaamada masuulka la weeraray.
C/laahi Maxamed Ducaale ayaa si deg deg u gaadhay idaacada iyo Tv-ga ku hadla afka xukumada madaxweyne Riyaale, dadweynahana u sheegay in aanu wasiir-ku-xigeenku afkiisa ku hadli Karin, arrinkaas uu sheegayna aanay waxba ka jirin.
Si kastaba ha ahaatee dadweynuhu markii ay warkaasi maqaleen waxay u kala qado doonteen guryahoodii, waxaana baaqday mudaharaadyadii ay dhexdooda ka soo abaabulayeen.
Ilaa hada ma jiraa wax rabshado ah oo ka bilaabay magaalada hargeysa, waxaana degen goobihi saaka laysku uruursanaayey oo hada u muuqdo goobo caadiya.
Saraarnews
Hargeysa/Somaliland
Reported by:- Ibraahim Abdirahmaan Qaasim
(Qaasim)
Qaasin05@hotmail.com

No comments:

Post a Comment