Sunday, January 24, 2010

“Xukuumadii Dahir Rayale Way Dhamaatay Gudo iyo Dibedba” Cabdiraxman Saylici

"Xukuumadii Dahir Rayale Way Dhamaatay Gudo iyo Dibedba" Cabdiraxman Saylici

Murashaxa Jagada Madexweyne Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa, si kulul u cambaareeyay hadal doraad kasoo yeedhay Madexweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo shirsaxaafadeed uu ku qabtay qasriga madaxtooyada, kuna duray Murashaxa Madexweynaha ee Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo Aaminsan yahay nidaamka Federaaka.

C/arxmaan Saylici Murashaxa Jagada Madexweyne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye. isagoo jooga Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awda kana hadlay aragtidiisa ku wajan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan. "Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegayaa in ninka ilaahey gacanta u galiyay taladii ummada Somaliland uu yahay nin hinaase xun oo mar walba xasad dheeraad ahi ka buuxo kana xumaada Guusha raga uga aqoonta iyo kartida badan dalkan iyo dadkani caalamka ka kasbadaan,waxaanan si adag u dhaleecaynayaa hadalka uu marmarinayo Axmed Siilaanyo oo si martabad caalami ah loogu soo dhaweeyay Wadanka Mareykanka, taas oo ay muuqato in Axmed Siilaanyo wareysiga uu sheegayo uu kaga waramey Taariikh hore hase yeeshee, aanay marnaba noqon karin mawqif uu aminsan yahay,waxaanan leeyahay sida cadceeda ayey muuqataa in uu Axmed Siilaanyo, isaga Uga lexejeclo badan yahay dalkan iyo dadkan oo uu usoo halgamey, oo uu joogay halkii lagu go,aamiyay gooni isu-taaga, markaas oo Rayaale ka mid ahaa ragii dalka laga qabsadey ee qoxootiga ku ahaa Laascaanood".sidaas ayuu yidhi C/raxmaan Saylici, waxanu intaa ku daray "Xaqiiqdiina haddii uu Rayaale daacad u yahay Somalilandnimada maanta kamuu shaqeysteen dalka iyo dadka ee wuu u shaqeyn lahaa, waxayna taasi muujineysaa halka uu ka taagan yahay ummada"Ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.
Isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey " taas oo ay cid walba u muuqato muddadii uu xilka hayay oo aanay jirin wax uu qabtey iyo dareen lexejeclo oo habayaraatee uu ka qabo dalkan.

Waxanu Murashaxa Jagada Madexweyne kuxigeenka Xisbiga Kulmiye si adag u cambaareeyay xadhiga laba xubnood oo ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye oo badhasaabka Gobolka Awdal si sharci daro ah ugu taxaabey Xabsiga Boorame, kuwaas oo kala ah .
Caaqil Muuse Xuseen Faatax(Saxane) , oo kamid ah isagu raga ugu taageerada adag leh Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal islamrkaana, uu Badhasaabka Awdal shalay hor-geeyay laba Maxkamdood ee Degmada iyo Gobolka labadubana diideen iyagoo sheegay in aaney u haynin waxay u cuskadaan xadhigiisa iyo C/qaadir Aadan Yuusuf oo dhawaan ka soo baxey Xisbiga Udub, kuna soo biirey Kulmiye .

Gabagabadiina waxa uu sheegay in ay maanta u dhamaatey Xukuumada Rayaale gudo iyo dibadba

Source: Haatuf

No comments:

Post a Comment