Saturday, January 23, 2010

Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,

Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,

Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa!

"Afkii Beenta Sheegi Jirey, Ma hadduu runta Baranayaa!"

Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad, 

Waxaan joojiyay qoraalkii iyo faallooyinkii dhowrkii sanno ee u dambeeyay, anigoo muddo dheer siyaabo taban ama si toganba wax uga qori jiray maamulka xukuumaddan Daahir Riyaale iyo tii ka horraysay ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. 

Waxay joojisay niyaddaydu in ay ka fikirto wax  ka sheega iyo tilmaanta maamulka Daahir Riyaale, markii aan waayey qaab iyo si wax looga sheego oo aan ahayn in tagto heerkiisa oo ah mid aad uga hooseeyo meeqaamka ay ka fekeraan inta badan shacbiga Somaliland – oo aqoon, garaad iyo waaya-aragnimo badan ka helay halgankii iyo duruufihii adkaa ee ka dambeeyey, isla markaana aanu lahayn miisaan hogaamiye qaran iyo weliba habdhaqanka shakhsi siyaasadeed. 

Waxaa qiimayn iyo qanac ugu filan qofka jecel in uu naqdiyo ama fahmo maamulka Daahir Riyaale iyo shakhsiyadiisa hogaamineed in uu dhegaysto dhawr khudbadood oo uu dadwaynaha u jeediyay munaasibadaha qaran iyo sida uu uga jawaabo doodaha iyo xiisadaha siyaadeed ee marar badan dhexmaray isaga iyo mucaaridka ama isaga iyo golayaasha qaranka. 

Qodobka koowaad ee qiimayntaasi waxa weeye, madaxweyne khudbad tobannaan bog ah oo loo soo qoray ka akhriyaya warqad, isla markaana higgaadinaya isaga  oo aan mar qudha indhaha kor uga qaadayn warqadda, taas oo macnaheedu yahay in aanay jirin wax maskaxdiisa ku jira oo uu ka soo fikiraqy oo uu shacbiga u sheegi karo. Dunidana laguma arag Madaxwayne khudbad warqad ku qoran oo uu higaadinayo fagaare la yimaada ama madal isla soo taaga. Intaas oo kaliya ayaa waxay sharaxaysaa Madaxwaynaha iyo waxa uu sheegayo!!! 

Waxa kale oo iyana qiimayn kale ah in uu yahay qofka kaliya ee isaga mooyaane dadka kale oo dhami khaldan yihiin, kana soo qaada kuwo aan waxba garanayn oo uu garaadkooda xaqiro.  Arrintan, marka laga yimaado shacbiga Somaliland oo uu ka soo qaado Ma-kas, wax-ma-garato ah, waxa ugu layaab badnayd markii aan maqlay isaga oo afhayeenkii hore ee State Department-ka dalka Maraykanka, Mr. Sean McCormack uu ku tilmaamay inan yar oo aan waxba garanayn, madaxdii ka saraysayna ay wada hadleen. Waxay ahayd mar uu Daahir Riyaale socdaal ku tegey Maraykanka sannadkii 2007, markaas oo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo warbaahinta caalamka siinayey warbixintiisa maalinlaha ah uu suxufi danaynayey arrinta Somaliland uu waydiiyay su'aal ku saabsanayd mawqifka dawladdiisa ee ku wajahan Somaliland, taas oo uu kaga jawaabay "Inaanay waxba iska bedelin mawqifkii uu Maraykanku ka taagnaa Somaliya." Daahir Riyaale waxa uu u qaatay jawaabtaas oo ay qaadaa-dhigtay saxaafadda Hargeysa mid burinaysa wixii uu dadka u sheegay intii uu safarka ku jirey. 

Waxaad is waydiin kartaa awooda iyo haybadda uu leeyahay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo ah ninka 24-kii saacadoodba mar warbaahinta caalamku u soo shirto, ugana warrama siyaasadda dowladdiisa ee dunida dacaladeeda, min mashriq ilaa maqrib. Waa ninka ay dawladda Maraykanka ee dunida ugu awooda badani ku aamintay masuuliyadda intaa le'eg ee ah inuu ka jawaabo mawqifka Maraykanka ee dhacdo kasta oo dunida ka taagan oo saamayn ku leh dalkiisa. 

Waa Madaxweynaha dad isu soo baxay oo dareenkooda cabiraya ku tilmaama shacbi la khalday oo loo adeegsanayo waxaan dantooda ahayn.

Waa Madaxwaynaha qof kasta oo dhaliila maamulkiisa – mid mudan iyo mid kaleba – u yaqaana in la soo diray oo laga danbeeyo.

Waa Madaxweynaha mucaaridkiisa u yaqaanna Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ee fagaare isla soo taagay "Ha dhegaeysanina saddexdayada midna, ee waxaanu xaq idiinku leenahay cod maalinta doorashada!" ee dafirsan xaqiiqada ah in Faysal iyo Siilaanyo aanay ahayn laba shakhsi, balse ay xambaarsan yihiin dareenka, rabitaanka iyo xilka bulshada inteeda badan, kuwaas oo ay afkooda ku hadlaan.

Waa Madaxweynaha dad dareenkooda cabiray oo aan hubaysnayn inta ciidankiisa Boolisku rasaas la dhaceen, aayar iska yidhi "Waan ka xumahay, maan doonayn in ay inaga dhintaan". 

Arrimahaas aan soo sheegay iyo kuwo kale oo badaniba waxay iga lumiyeen jihadii iyo abaartii, waxaanan garan waayey si iyo qaab wax looga odhan karo. Waxa kale oo ii muuqatay in wax kasta oo laga qoraa ama laga sheegaa aanay tarayn wax kale oo aan ahayn inay ku sii kordhiyaan cudadda ka qarisay mansabka mudan ee uu fadhiyo, masuuliyadda weyn ee uu hayo iyo waxkasta oo kaleba, taas oo uu Riyaale laftiisu kaga makhraati furay shir saxaafadeedkiisii ugu danbeeyay oo uu ku sheegay in uu joojiyay akhriska jaraa'iddada madaxa bannaan ee dalka.  

Haddaba, waxaan isweydiiyey, sida dad badan oo kaleba isu weydiinayaan: Daahir Riyaale ma wuxuu leeyahay ajande fog oo isaga gaar u ah, kaas uu ku burburinayo dalka iyo dadka Somaliland? Ma caqli xumo iyo garasho la'aan baa? Ma xoog buu istaawiyey oo wuu doonayaa inuu noqdo keligii taliye xukun milateri ku haysto Somaliland? Dadka su'aalahaa isweydiinayaa waxay ka duulayaan xaqiiqada ah in ficilkasta iyo qawlkasta uu ku lumiyo shacbi aad u badan oo ka mid ah kuwii doortay ama kuwa taageersan. Hase yeeshee, waxa markiiba taa ka horyimaadda dad kale oo iyaguna ku doodaya iyagoo xog-ogaalnimo iyo aqoon ay u leeyihiin kaashanaya in Madaxweynuhu aanu ogeyn waxaa aad sheegayso, balse uu isu haysto in markasta sumcaddiisu sii korodho, wax badan uu qabtay, si wanaagsan oo sharaf iyo wanaag ahna uu kaga tegi doono xukunka. Wuxuu jecel yahay, ayay odhanayaan dadkaasi, in wax-qabadkiisa iyo halkuu dalka gaadhsiiyey lagu xasuusan doono, laakiin, uu u arko inay xaasidayaan kuwa mucaaridka ah ee ka soo horjeeda. Qaar kale ayaa iyaguna ku doodaya in caqlixumo iyo nacasnimo ka dheer tahay Daahir Riyaale, isla markaana uu noqday siyaasi ilkaystay oo ku takhasusay sida ujeedadiisa siyaasadeed uu u meelmarsado iyo sida loo xukumo dadkan oo uu si fiican u bartay. Doodahani waa kuwo aan midna la isku wada raacsanayn, sidoo kalena aan midna la wada burinayn. 

Sidaa darteed, waxay igu kelliftey inaan u baadi doon tago si aan u ogaado halka uu ka soo jeedo ama waxa uu ku salaysan yahay habdhaqankan hogaamineed ee Daahir Riyaale oo ah mid dunida iyo dalkana ku qariib ah. Ugu horraynba waxaan helay in Riyaale aanu ehel u ahayn siyaasadda, habeen keliyana aanu ku hurdo beelin hindise iyo hawl siyaasadeed, iyada oo marxaladihii Somaliland soo martay ku dhex jirka ama la socodka hawlaha siyaasaddu uu yahay tababar qofka u layliya hoggaaminta, isla markaana waayo-aragnimada laga kasbado badwaynta siyaasadda ee baaxaadegga lihi ay soo saarto hogaamiyayaal tifaftiran oo u fikri kara ummad iyo hogaaminteed. 

Khaladka wayn ee la garawsan karo ee dhacayna waa in uu hogaamiye noqdo qof aan soo marin imtixaanka siyaasadda, oo aan suurayn karin sida uu u fikiro ka mucaaridka ah ee ka soo hor jeeda iyo sida ama waxa ay kula socdaan saaxiibadiisa muxaafika ah iyo weliba ilaa xadka ay la socon karaan. 

Waxa taas laga qiimayn karaa, waa hogaamiyaha aan la arag wasiir uu xilka ka qaaday oo aan si xagjirnimo ah uga soo horjeesan, taas oo muujinaysa in aanu lahayn kalsooni uu ku haysto kuwa la shaqeeya iyo karti ama awood uu ku maareeyo kuwa uu ka maarmo ee uu xilka ka qaado. 

Waxa iyaduna ka markhaati kacaysa in Daahir Riyaale aanay habeenna siyaasadi u soo dhixin hadalkiisa ah "Inuu iska daayey inuu akhriyo wargeysyada ka soo baxa Hargeysa" iyo sida uu gebi ahaanba dhegaha uga furayto rayulcaamka dadkiisa iyo dhalliilaha iyo ceebaha siyaasadeed iyo maamul ee ay u soo jeediyaan mucaaridka, saxaafadda madaxa bannaan iyo dadweynaha caadiga ah. Aniga qiimayntayda siyaasadda iyo siyaasiga, wax dadka badankiisu u yaqaannaan nugeyl ama dulqaad yaraan ayaan u haystaa min-qiyaaska ugu horreeya ee lagu ogaan karo heerka siyaasadeed ee qofka. Dad badan ayaa u yaqaanna qofka ka damqada dhalliilaha saxaafadda lagu baahiyo ee saamaynaya sumcaddiisa, qof u caban dhalliilista iyo saxaafadda, qofka aanay damqinna qof dulqaad leh.  

Hase yeeshee, si taas ka soo horjeedda waxaan rumaysanahay in qofka ka gilgisha ama ay damaqdo dhalliisha saxaafaddu ama dacaayadda ka dhanka ahi uu yahay qof siyaasi ah oo garan kara khasaaraha ay ku keeni karto iyo sida ay u saamayn karto dadka, ha noqoto dacaayad ay abuureen cidda ka soo horjeedda ama ha noqoto hadal uu yidhi oo si kale looga faa'iideystaye; waxaanay ay siyaasiyiintu ku dedaalaan inay sida ugu dhakhsaha badan uga dabatagaan. Taasi waxay muujinaysaa in ninka siyaasiga ahi badeecadda uu haystaa ay tahay sumcaddiisa, suuqa uu ka iibinayaana ay tahay dadka. 

Halka Daahir Riyaale iska daayey inuu eego jaraa'idka, Madaxweynihii uu kursiga ka dhaxlay, alle ha u naxariistee, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi rug caddaaa ahi wuxuu gaadhey inuu ka jawaabo xitaa qormooyinka ku soo baxa bogga Ra'yiga dadweynaha oo uu warsaxaafadeed ku soo saaro. Si kasta siyaasiyiintu ha u kala cabanaadeene, waxay ka duulayaan in aan looga dheerayn suuqa lagu tartamayo oo ah dadweynaha.  
 

Si kastaba ha ahaatee, waxaan baadhistaa ku ogaaday in Daahir Riyaale illaa iyo hadda uu ku shaqeeyo wixii kaliya ahaa ee uu bartay wakhtigii uu  u shaqayn jiray taliskii Maxamed Siyaad. Waxaan akhriyay cutubyo ama xidhmooyin ka mid ah warbixinihii ay diyaarin jireen una diri jireen  saaraakiishii NSS-ta ee dhulkan joogtay xarunta dhexe ee nabad-sugidii Siyaad Barre, waxaanan dersey siday u shaqayn jireen; waxaan barbardhigay sida ay u fekeraan, hadaladooda iyo siday dadka ula xidhiidhaan. Aakhirkiina waxay taasi iiga jawaabtay su'aashaan aadka isu waydiinayay ee ah "Habdhaqanka siyaasadeed ee Daahir Riyaale ku shaqeeyo."

Sidaasi darted qofkasta oo doonaya in uu ogaado ama fahmo dhaqanka siyaasadeed ee Daahri Riyaale iyo maamulkiisa, waxa uu si sahlan uga baran karaa warbixinihii Hay'addii Nabadsugida, kuwaasi oo ahaa kuwii kubka iyo bawdada ka jebiyay soona dedejiyay burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Cabdirisaaq M. Dubbad

Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment