Sunday, January 24, 2010

Maamulkii Riyaale waa kane yaa lala hadlaa haddaba!! Wasiirba wasiir buu beeninayaa!!kumaa run sheeg ah kumaase been sheegaya?!!


Ummaddda sharafka leh ee Somaliland, ha aragto waxa ka socda Dalkii hooyo, waqti uu cadow badani guntiga dhiisha uu iska soo dhigayo, Guulaha Siyaasadeed ee Dibdda laga soo gaadhey in ay horjoogsadaan. Shaley nin kuwa lagu meeleeyey khilaaf abuurka ka mid ah, ayaa sheegey in fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha wasarada , lagu gaadhey in Mujaahid Axmed Siilaanyo loo diido in uu Dalkiisa hooyo ku soo noqdo, Wasaaradda Guduhuna ay waraaqo u kala dirtey Madaarrada, Sharikadaha Diyaaradaha , Hay'adda Socdaalka , iyo Boliskaba. SDaddexdii Galabnimo ee isla shaleyna wakan waxa beeniyey , Wasiirka Arrimaha Dibadda , Mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale intaanu u kicitimin , Itoobiya, Waxa saakana hadlaya Wasiirkii ay Dumarka wada murmi jireen ee warfaafinta, Mudane Axmed Xaaji Daahir oo leh, Warkii uu sheegay , Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxba kama jiraan ee halkii hore ayey ka taagan tahay Maamulka!!
 
Waxa hadalkani ummadda xusuusinayaa, xisbigii  "Cirsan ka yeedhka" ee xisbiyadii food-khasaare ku tartamayey ugu macfalka weynan jirey si looga maadeysto ama xaraabeysto, is-burinta uu Musharrax waliba ka kale u burinaayo!! Wasiirka hadalkiisan yaa fahmaya!!?
  
Axmed Xaaji Daahirow, bad aad ku hafan doonto haysku furin, Riyaale waa Mas'uul loo igmadey in uu Dalka hoggaamiyo , waxqabadkiisa oo dhammina waxa uu nasiib-dsarro muujinayaa , Dal Dumis iyo karaahiyo fog uu Ummadda Somaliland u hayo. Hantida qaranku maaha mulki Riyaale, Iibkeeda iyo Kireynteeda waxa uu oggolaasho uga doonanayaa, Golaha Xildhibaannada ee ay ummaddu u igmatey sharidejinta Dalka.
 
Adeerkaa Odey dhaqameedyadii Awdal waxa uu u diidey inay Socdaal ku tagaan Jasiiradda sacaadadiin oo la sheegey in hoos loo iibiyey, Caqil Xuseenna Guddiga aan Dastuuriga ahaayn ee nabadgelyada ayaa Dulmi ku xidhey waanu xidhan yahay weli, Xoolaha laga dhoofinayo Dalka, weligeedba ganacsato Somaliland ah ayaa gacanta ku haysey, Maamulka Riyaale dadkoodii oo shaqo la' waxay Carabka sicirka aanu xataa dalka gudihiisa ka joogin ugu kooteeyeen maxay ahay? maxaa shidaalka qaran Total faraha u geliyey, Riyaale miyuu iskala  sarreeyaa Dastuurka Dalka maxaa Hay'adda qandraasyada qaranka loogu mari waayey arrintan iyo ta xoolahaba?
 
Mudane Axmed Xaji Daahir, ma garanayo waxa uu wasiir Maamulka uu ka tirsan yahay ka mid ah  uga daba qaatey, ee uu arrin jariimad Dalka lagaga gelayo u dhex gelayo, waxaanse leeyahay, Madaxtooyadu boqortooyo maaha mana noqoneyso, Arrintanuna tii Aamina weris uu kaga joojiyey shaqada ay xaqa Dastuuriga iyo waddaniga ahba u lahayd maaha ee ay kaga roonaatey!!, Waar Afkii Taliskii marreexaanka kuma hadli kartid oo weligaana ma gaadheysid inaad ku hadasho'e ku ekow xilkaaga ayaan leeyahay!! Intuu kuwan ka hadlayo, maxuu uga hadli waayey Qaraxyada , Dilalka Aamusan iyo Miinooyinka meelo badn oo Dalka ah laga soo qaadayo cidda ka dambeysa!! Taliyahan Sal;dhigga Boliska Laas-Caanood ee amnigiisu khatarta ku jiro waxa loogu gurman waayey, Maleeshiyadii l qarameeyey ee Puntland ka tirsaneyd yaa madax uga dhigey Boliska Gobolka sool? Maxay yihiin xidhiidhka Xaabsade, Riyaale,  Maleeshiyadan Askarta ka midka ah imika ka dhexeeya? Waa haddii uu wasiir warfaafineed ahaan lahaa, mase aha ficilkiisanu!!
 
Waxan aanu arkeyno, ma aha wax la eegan karo ee Madaxweynaha ay dhacdooyinkani , indhihiisu arkaan ee eegaya , dhegihiisu maqlayaan ee ka aamusan , Macneheed? Waxa aanu hadal cad ka dooneynaa Madaxweynaha Dalka, maa daama aan lagu kalsoonaan karin wasiirradiissan midb mid beeninayo. Haddii aanay Dawladdu la qabin Warka wasiiruddawlaha Arrimaha Dibnbadda ee Axmed-keyse, ha beeniyo ,xilka ha ka qaado hana u diro xeer ilaalinta si loo mariyo sharciga!!
 
Warkanu wax aan suurageli karin ayuu xanbarrsanaa oo gilgili lahaa dalakaba, ama dillllal iyo dhibatooyin keeni lahaa,waqi aynu nabad nahay, Doorashooyinna u taagannahay, Musharrax ka mid ah ragga u tartmaya Doorashada, oo Astan qaran oo xorriyadda ahna,
cid Dalkiisa ka horjoogsan karin inaanay jirin , cid waliba waa og-tahaye hadalka ina xaaji Daahir maanu fahmin waxa uu ka hadlayo iyo sida jilicsan ee uu u hadlayo. Mujaahid Siilaanyo yuu leeyahay cafis ha weydiisto, kuma?!!
 
Madaxweyne Riyaale , maaha tanu kuwiii aad ka u dhegooleyn jirtey ee hadal oo run ka sheeg!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed


No comments:

Post a Comment